XUBINTA laad
Iyadoon qofna salaamin, hareerahana eegin, bay golkeedii halhaleel ugu gudubtay... Sariirtay isku hal-gaadday..
. Buugaagtii ay sidatayna koomadiinka du-
shiisay naxaris la'aan ku tuurtay.... Qaar baa dhulka ku daatay... Waligondba ha daateen.. Yaa u jixinjixa-ya!.. Yaa aruursanaaya!.. Addimadeedii baabay aruu-rin kari la'dahay..
. Waa taas labadeedii lugood mid sa-
riirta ku dul xoortay, iyadoo kabteedii wadata... Tii kale oo kabtii iskeed uga dhacdayna waxay ka lulataa sa-riirta qarkeeda... Bowdada waxaa ceego adag uga haya surweelka kaakiga ah ee dugsiga... Waligiisba ha uga hayo! Yaa ka fujinaaya!.. Yaaba ka xanuunsanaya!
Haddaad isha kor ula si raacdid, waxaad arkaysaa shaati cad oo gacma gaab ah oo ay hoosta ka soo rii-xayaan laba naas oo dhawaan kobcay. Waxaa la moo-daa in ay ka cabanayaan shaatiga turriinsha la'aanta loogu dhejiyey.. Waligoodba ha ka cawdeen... Yaa dul-man ma iyaga mise guluusyada la moodo in ay sii go'-avaan? Kii doonaaba ha dulmanaado.. Yaa isugu ta-gaava!
Qofkii u soo galaa wuxuu moodi lahaa ruux suux-san, ama mar hore gam'ay. Waa runoo indhaha way dansatay, laakiinse hurdo warkeed ma jiro. Indhaheeda beryahaan hurdo sooma boogan. Intay neef culus xoog weyn ku soo jidday bay xoog ka sii weyn ku soo ce-lisay; sidii iyadoo doonaysa in ay ku soo xaagdo dhi-baatooyinka maskaxdeeda rasaysan. Waxay la ahayd dhibaatooyinkii ifka lagu uumay idil ahaantood in ay iyada dul saaran yihiin. Qof kasta dhibaatadiisaa la culus, isagaana isla jid leh. Noloshaaba sida ah.
Markay indhaha isku gabsatay bay maskadeedu isla hadalkii laba jibbaartay.
"Aaah.. dhib badanaa!
Saan maan ku joogi karaa?!.
Ilaahayow sideen wax
yeelaa! Iskoolkaanaaba iigu daran... Wax maan bara. show ka gaaraa, anigaba waa dhibaataysanahaye!
Macallinkaasaanba nacay! Khabiid waaye.. Xisaabtis ma la fahmi karo... Maxay nooga baddaleen macallin-keennii fiicnaay! Sabti imtixaan waaye kuma lohoo...
Sabti maahine maantana keena...
Imtixaan-imtixaan
waaba la liga daran vahee... Iskoolkaan marlee ma la xiroo.. Waa ka neebsalahaa..
. Laakiin gof minankaan
joogto maa neebsaheesa.. Dhib maa dhib kaaga roon!
An waa yaabay!.. Dadkaan gaf uula hadasho maa la waayey, oo runta u sheegto.. Maxaa la ii khasbaa? ! Ma rabi... ma rabi... ma rabi... khasab miyaa... cawo ma ra-bi, maalin ma rabi! ! Waalid-waalidaa la idinka badi-yey... Ammaan lee i siiya... Waalid oo ilmihiisa xaasad u eh maa la soo arkay?! Haddii iga naxaysiin wax dhib. keyga eh ma igu khasbi leheen.. Qaftii aniga rabo ma ii diidi leheen... Sidiin rabo lee ii yeeli leheedeen..
Ah!! Nasiib badanaa qaf xor eh, Sahra Yuusuf camal!
Axmed saacaddaan intees joogaa? Xafiiskii aas fadhi-yaa.. Ah! maxaan u soo mari waayey! Waa u sheegaa cawada, wixis rabo ha dhaho..
. Dhibkaan ma ku jiri
karo.. Maya, maya.. Ma u sheegi karo.. Ceeb waaye..
Mashkilad kalaa imaaheeyso.. Lacalla haddii.
Waxaa ka kala goysay shangar iridka ka soo yeer-tay. Waxay dareentay qof saan culus oo u soo galay.
Indhahase uma kala furine way ismoogaysiisay. Aad bay u necbayd in cidi u soo gasho. Waxay la ahayd culays ka daran kii ay hore u dareemeysey.
«Maana-Faay! Maxaa ku daaray Maana?!».
Way garatay...
Waa codkii macaanaa ee hooyadeed...
Weli indhaha ma kala furin.
farna ma dhagaajin
Markay indhaha isku gabsatay bay maskadeedu isla hadalkii laba jibbaartay.
"Aaah.. dhib badanaa!
Saan maan ku joogi karaa?!.
Ilaahayow sideen wax
yeelaa! Iskoolkaanaaba iigu daran... Wax maan bara. show ka gaaraa, anigaba waa dhibaataysanahaye!
Macallinkaasaanba nacay! Khabiid waaye.. Xisaabtis ma la fahmi karo... Maxay nooga baddaleen macallin-keennii fiicnaay! Sabti imtixaan waaye kuma lohoo...
Sabti maahine maantana keena...
Imtixaan-imtixaan
waaba la liga daran vahee... Iskoolkaan marlee ma la xiroo.. Waa ka neebsalahaa..
. Laakiin gof minankaan
joogto maa neebsaheesa.. Dhib maa dhib kaaga roon!
An waa yaabay!.. Dadkaan gaf uula hadasho maa la waayey, oo runta u sheegto.. Maxaa la ii khasbaa? ! Ma rabi... ma rabi... ma rabi... khasab miyaa... cawo ma ra-bi, maalin ma rabi! ! Waalid-waalidaa la idinka badi-yey... Ammaan lee i siiya... Waalid oo ilmihiisa xaasad u eh maa la soo arkay?! Haddii iga naxaysiin wax dhib. keyga eh ma igu khasbi leheen.. Qaftii aniga rabo ma ii diidi leheen... Sidiin rabo lee ii yeeli leheedeen..
Ah!! Nasiib badanaa qaf xor eh, Sahra Yuusuf camal!
Axmed saacaddaan intees joogaa? Xafiiskii aas fadhi-yaa.. Ah! maxaan u soo mari waayey! Waa u sheegaa cawada, wixis rabo ha dhaho..
. Dhibkaan ma ku jiri
karo.. Maya, maya.. Ma u sheegi karo.. Ceeb waaye..
Mashkilad kalaa imaaheeyso.. Lacalla haddii.
Waxaa ka kala goysay shangar iridka ka soo yeer-tay. Waxay dareentay qof saan culus oo u soo galay.
Indhahase uma kala furine way ismoogaysiisay. Aad bay u necbayd in cidi u soo gasho. Waxay la ahayd culays ka daran kii ay hore u dareemeysey.
«Maana-Faay! Maxaa ku daaray Maana?!».
Way garatay...
Waa codkii macaanaa ee hooyadeed...
Weli indhaha ma kala furin.
farna ma dhagaajin
Intay hooyo ku soo booddo oo dhexda isaga duubto la-bada dhaban kama dhunkan, sidii caadada u ahaan jir-tay, markii ay dugsiga ka timaaddo. Maana maanadeedi ma aha. Habartii oo galbi jabsan, xaaladdeedana qad-darinaysa, ayaa intay ku soo dhawaatay, codkiina u si dabcisay, oraahdii hore u raacisay
«Joogso-hee gebertey dharka iska beddel muggoo aa khadayside, khadadii waa kaa khaboobooheey.
saaye»
«Khada-khadadiina ma rabiye ammaan aan niiga helo», ayay si kulul ula soo boodday markii hooyadeed hadalkii ku celcelisay. Markay tiri ka dib bay la soo xumaatay oraahdaas aan asluubta lahayn ee iskeed uga soo fakatay, kamase toobad keenin.
Aay-Caddeey intay cabbaar iyadoo amankaag afka sacabka ku haysa ku dhaygagtay ayay dib uga soo laabatay, iyadoo cagaha jiidaysa, sidii abbaanduule rgoob dagaal ku soo guul darraystay.
Waa adduun! Cimrigaa dheeraadaa geel dhalaa-yana waa ku tusaa!! Ma Maana-Faay baa gofta sidaa-ni u dambaysey!! Aaway baarrinnimadii iyo dhega nu-gaylkii?! Aaway qosolkii iyo qalbi furnaantii?! Aaway firfircoonidii iyo sheekadi macaanayd?! Aaway xi-shoodkii iyo xushmad-ilaalintii?! Aaway dabeecaddii dhan walba dahabka ka ahayd ee ay Xamar Weynoo dhan caanka uga noqotay, habartii gabari ka qalloo-cataana ku hal qabsan jirtay «Haddiin nasiib leeyahay Maana-Faay camalaan dhali lahaay».
Aay-Caddeey wax ku cusub ma ahayn gabadheedu gadadii ay maalintaas ku didday iyo xushmad darradii ay ugu jawaabtay. Horay buu yaabkii uga dhammaa-day. Beryahaan oo dhan bay kala kulmaysay waxaas iyo wax ka daran. Xanaaqu sankuu ka saarsaaran ya-hay. Eray kasta oo qof goyska ka mid ahi ku yiraahdo way dhibsanaysaa, hadduu xun yahay iyo had-duu sanyahayba wuxuu la yeelanayaa dha-dhan kharaar; markaasay ama ka xanaagay. saa ama xargo adag isku celinaysaa, uurkana ka gubanaysaa... Xataa sheekada caadiga ah ee xubnaha goysku ku sheekaysanayaan, hadday goob joog u tahay way dhibsanaysaa; waxay la noqonaysaa qaw qaw aan dhadhan lahayn.
Markaasay uurka iska oranaysaa
«Yaa iga aamusiya» marmarna intay ka kacday qol cidla ah isku xiraysaa, ee ku fekereysaa.
Cunto u dhadhanta goor ugu dambeysay garan mayso. Waqtiga cuntadu marka uu soo dhawaado way ka naxdaa. Markii hooyadeed ku khasabto ayay korka ka taataabataa. Marna way ka dhuumataa, si aan loogu khasbin. Waa taas baaba'day; ee dharkeedii ka yaraatay. Aaway bilicdeedii indhuhu kala boobi jireen, rag badan oo u soo baratamayna ku hungoobeen... Waa taas il go'dee abaarsatay, sidii ubax gu' barwaaqo ko-riyey, ka dibse dabayl xagaa dharbaaxooyin naxariis la'aaneed ku dhufatay !!
Waa kaaf iyo kala dheeri Maana-Faaydaan madoo-baatay ee murugo awgeed maryihii iska beddeli way. day, iyo ti shan bilood ka hor meeshii ay soo gashaba muusikada farxaddu u yeeri jirtey, dunidoo dhanna quruxda iyo gosolka ka buuxin jirtay!
Bal isu firi saaka yo subaxdii iyadoo sida dhee-manta u hillaacaysa ay taagnayd Shaneema Xamar horteeda. Subaxdaasi taa
riikhda Maana-Faay meel weyn bay ka gashay... Intay ifka saaran tahayna mas-kaxdeeda ka go'i mayso.
Markay in yar joogtaba way ku soo dhacdaa...
Waxaa hor yimaada muugaalkeedii il gabadka lahaa ee marba gaari isu taagayey, iyana ka sii jeesanaysey.
Waxay qabtey dharkii dugsiga, buugaagtiina gacantay ku haysatay. Waxay sugaysey tagsi dugsigeedii u sii dhaweeya... Tagsigii waa ku soo daahay. Iyadoo weli sugaysa, ayay gadaasheeda ka maqashay cod aan ku cusbayn una caddayn oo ku soo gaylinaya
«Maana-Faay! Alla waa iyadii!».
Dib bay u jalleecday, isla markiina ku orodday markay agootay:
«Weey Sahra, ii warran abbaaye !!»
Waa la isku dhagay, dhabannada la iska dhunkaday.
«Naa ii warran intee ka baxday beryahaan!»
«Allaa!.. shimaa isugu keen dambaysey! Hal sano camal waa dhan tahay, haye! Haddi shakho la helo, dad ma la soo salaamaayo, maahoo Sahra?!».
«Qof xun baad noqotay Maana, maxaad iigu imaan-wayday, waad ogtahay anigaa guri firaaga ah keligay daggene?!».
«Cawadaan kuu imaahaa».
«Waa yahay. caawaynnu si fiican u sheekeysan doonnaa, hadda shaqaan ku ordayaa, adiguna dugsi baad u socotaaye, caawa hal saac baan ku sugayaa, ciddiina igu salaan yaa macaantey».
«Haye abbaay...
jaaw hee». Sahra Yuusuf ballantaasi waxay ka ahayd af-gobaadsi reer magaalnimo. Laakiin Maana-Faay culays weyn bay la lahayd, wayna ka sii fekereysey maalintii oo idil. Yaa u sheega boogashadaasi waxa ay u soo waddo. Yaa ogeysiiya in ay u horseedi doonto in-qilaabkii ugu weynaa ee nolosheeda ku dhaca! Yaa
( LASOCO Q2aad INSHA ALLH)