BOOGA MAANA FAAY Q2aad ( WAA SHEEKO FANEEDDADA UKU WACAN SHEEKOOYINKA LAKU QORO AFKA SOOMAALIGA)


                                   XUBINTA1aad ......

Markay in yar joogtaba way ku soo dhacdaa...

Waxaa hor yimaada muugaalkeedii il gabadka lahaa ee marba gaari isu taagayey, iyana ka sii jeesanaysey.

Waxay qabtey dharkii dugsiga, buugaagtiina gacantay ku haysatay. Waxay sugaysey tagsi dugsigeedii u sii dhaweeya... Tagsigii waa ku soo daahay. Iyadoo weli sugaysa, ayay gadaasheeda ka maqashay cod aan ku cusbayn una caddayn oo ku soo gaylinaya

«Maana-Faay! Alla waa iyadii!».

Dib bay u jalleecday, isla markiina ku orodday markay agootay:

«Weey Sahra, ii warran abbaaye !!»

Waa la isku dhagay, dhabannada la iska dhunkaday.

«Naa ii warran intee ka baxday beryahaan!»

«Allaa!.. shimaa isugu keen dambaysey! Hal sano camal waa dhan tahay, haye! Haddi shakho la helo, dad ma la soo salaamaayo, maahoo Sahra?!».

«Qof xun baad noqotay Maana, maxaad iigu imaan-wayday, waad ogtahay anigaa guri firaaga ah keligay daggene?!».

«Cawadaan kuu imaahaa».

«Waa yahay. caawaynnu si fiican u sheekeysan doonnaa, hadda shaqaan ku ordayaa, adiguna dugsi baad u socotaaye, caawa hal saac baan ku sugayaa, ciddiina igu salaan yaa macaantey».

«Haye abbaay...

jaaw hee». Sahra Yuusuf ballantaasi waxay ka ahayd af-gobaadsi reer magaalnimo. Laakiin Maana-Faay culays weyn bay la lahayd, wayna ka sii fekereysey maalintii oo idil. Yaa u sheega boogashadaasi waxa ay u soo waddo. Yaa ogeysiiya in ay u horseedi doonto in-qilaabkii ugu weynaa ee nolosheeda ku dhaca! Yaa

dhar dugsi iyo buugaag u soo gaday buu labadaba

waxbarasho u diray.

Leyla saddex sano ayay Maana-Faay ka weyn ta-

hay. Dugsigana waxay uga horraysey laba sano. Mar-

kii Maana dugsiga dhexe ka baxday, bay Leylana dug-

siga kalkaaliyayaasha caafimaadka ka baxday, kaaliye

takhtarna shago ku bilowday. Waxay is jeclaadeen

Ciise Dheere oo afar sano ka weyn, ahna farsama-ya-

qaan ka shaqeeya «Mashruuca Sahminta Hawada».

Dhibaato aan la soo koobi karin ayay ka soo ma-

reen jacaylkoodaas iyo sidii ay qoyska gabadha uga

heli lahaayeen oggolaansho guur. Markay ka waa-

yeen, bay isla dhuunteen, ka dibse waalidkii way mas-

lexeen, waana la heshiiyey, gargalyo fara badan ka dib.

Xaaji Muumin inkastoo uu ka mid yahay ganac-

satada yaryar, haddana wuxuu uga duwan yahay fik-

radda khaladka ah ee qaarkood ka qabaan waxbarasha-

da iyo shagada dawladda. Waxaa kale oo uu odayaa-

sha da'diisa ah ee ay isku xaafadda yihiin uga duwan

yahay sida ay u arkaan barbaarinta ubadka. Aragti-

yaha gaarkood wuu la wadaagaa. Wuxuuse uga yare

horreeyaa fahamka isbaddelka casriga iyo dabeecadda

dhallinyarada.

Saaxiibbadiisa ay habeenkii gidaarrada xaafadda

ku sheekaystaan, in badan ayay ku dhaliilaan gabdhi-

hiisa uu dugsiga u dirtay ee dariigyada shuko la'aanta

ku mara. Hase yeeshee waxaa xaalkii is baddelay

markii la arkay waddada Leyla martay, Maanana ku

socoto. Waalidiin badani waxay ka masayreen waxtar-

ka ay Leyla nafteeda, reerkeeda iyo waalidkeedba u

yeelatay iyo magaca ay bulshada ku dhex yeelatay.

Xaafadda oo dhan markii qof madaxu xanuunoba wa-xaa la yiraahdaa; «Leyla ha la jeriyo». Dad badan ayaa markaas Xaaji Muumin ku dayday. Intay gab-dhahoodii shukooyinkii ka xooreen bay dugsiyada u dirsadeen.

Maana-Faay gorradoo aan dhicin bay is dhisid bilowday. Waxay isu diyaarisay sidii qof xaflad la-ga wacay. Waxay isla ahayd sidii gof arrin muhiim ah fulinaysa. Muraavad wen bay is hor taagtay Kor iyo hoos bay iska eegtay... Keligeed baa is cajabi-say.... Ma mooga in ay ‹qurux badan tahay... Dad fara badan bay ka magashay...

Markay magashaba hoos

ahaan bay isugu bogtaa... Wax kastoo ay biddo in ay gurux u kordhinayaan way ku dadaashaa... Iyadoo muraayadda eegaysa, ayay marba dhan u dhaqaaqday...

Intay

«Aboosto» uurka iska tiri bay saacadda eeg-

tay... Toddobadii oo rubuc dhimman bay ka akhriday..

«Alla waan daahay», bay hoos u tiri...

Boorsadeedii

bay armaajada dusheeda ka daftay... Jidka ay sii mari doontaa ku soo dhacay .

... Cabsi aan weyneyn baa qac

ku tiri... Waxa ay ka cabsoonayso ma garanayso, laa-kiin way: cabsanaysaa... Siddeed iyo tobankii sano ee ay ifka joogtay, weli waqti habeen ah xuduudka Xamar Weyne kama bixin, iyadoon dad la socon. Guriga Sahra Yuusuf qudhiisu Xamar Weyne kama dheera. Waa dhammaadka waddada Rooma, saraha duugga ah ee

Xamar ja-jab ka bilaabato.

Intay dariishad daaradda u jeedda furtay bay hoo-yadeed halkii ay ku ogayd hanqaloocsatay... Weli way fadhidaa... Jikada horteeday hawl ku haysataa... Waxay jeclaysatay in ay habartu meesha ka kacdo... Inay gu-daha gasho ama bannaanka u baxdee dariska u laa-

bato... Iyadoo u jeedda ma bixi karto... Waxay ku fu-raysaa su'aalo ayan u babac dhigi karin, jawaabtooda nas ku dhiirran karin. Intii ay labisanaysey albaabku hoos buu uga xirnaa. Haddi lagu. qabto qiil-qiil bay gali lahayd.

"Ah! Habartu may kacdo! Markaan looga

baahnaynba way iska maqnaataaye! Firi weli way iska fadhidaa! Waxa ay suubbinaysaa sow ma dham-maadaan!" Siday marna habarta eegmo ugu xadaysey marna. saacadda u. fiirinaysey, u hiyi kacaysey, isu hiifeysey, gidaarka u dharbaaxaysey, ayay habarti gudaha alaab. ka doonatay... Fursaddii bay ka faa'ii-deysatay... Halhaleel bay jaranjarta uga dagatay, iya-doo wadnuhu aad u boodboodayo. Markay dhulka tag-tay bay cabsideedi laba jibbaarantay. Xataa in ay hareeraha eegto way ku dhici kari wayday... Waxay la ahayd in ay boqollaal indhood gees kasta ka soo eegayso, meesha ay u socotana wayddiinayso. Intay jidiinka buurtay bay saanta hore u boobtay.

Uma baran in ay keligeed habeen baxdo. Berya-hanna kaba sii duwan. Waxay ku jirtaa is ilaalin dhee-raad ah... Cidduna waxay siisaa firo gaar ah. Culays-kaasi wuxuu ku soo kordhay ilaa maalintii loo sheegay in lagu daraayo ina adeerkeed Abuukar Aw Mukhtaar oo sida badan loogu yeero «likar».

Arrintaas markii

loo sheegay aad bay u yaabtay... Amakaag bay indhaha la caddaysay, afkana gacanta saartay

Way ka degi

wayday in «likar» nin u nogon karo... Sina uguma ka-la duwanayn isaga iyo walaalkeed Aweysow oo aabba-heed iyo hooyadeed dhaleen... Isku si bay u ciyaari jireen, isma hunguriyayn karaan... Waligeed Likar nin ahaan ugama xishoon. Inkastoo aan guurkaasi dha-dhan iyo xiise u lahayn, haddana wixii waalidkeed ugu taliyo ma didi karin.

Hooyadeed Aay-Caddey, qudheedu arrintaas raalli kama ahayn; iyada ogeysiin ahaan uun baa loo soo gaar

siiyey, ka dib markii ay soo go'aansadeen labada oday ee walaalaha ah; iyaduna waxay rabtay in arrinta bilow-geedii lagala tashado, tigelin waynna la siiyo. Aay-Caddey wax badan bay duqeeda kula doodday tigelin la'aanta noocaas oo kale ah.

Waxay ku eedaysaa in uu talada reerka keligii iska go'aansado. Isagu eeddaas ma garaysna. Aad buu xaaskiisa u qaddariyaa, una xushmeeyaa. Hase yeeshee wuxuu gabaa arrimaha qaarkood go'aan ka

 gaarid-doodu in ay tahay shaqo aan odayga lala wadaagin, ee uu keligii xaq u leeyahay.Xaaji Muumin iyo Aw Mukhtaar maalkii aabba-hood uga dhintay ma qaybsan, mana dhaxlan. Saro iyo laba dukaan ayaa ka dhaxeeya. Waxay doonaveen in aan qoysku marna kala bixin... Carruurtiina waa ko-reen. Sidaa awgeed ayay intay fadhi gaar ah gaateen go'aan ku gaareen in afar carruurtooda ka mid ah is-waydaar la isugu guuriyo, arooskoodana isku mar laga dhigo, wada jirna loogu hawl galo. likar Aw Mukh-taar iyo Maana Faay Xaaji Muumin o0 dhinac ah iyo Aweys Xaaji Muumin yo Jija Aw Mukhtaar oo dhina-ca kale ah. Hadda alaabtii waa la gaday, kharash aad u badan baa la galay, arooskiina waxaa lala sugayaa xiritaanka dugsiga Maana-Faay. Warkii waa la gud-biyey. Deriska iyo ehelada oo idil waa gaaray.

                        ( LASOCO Q3aad INSHA ALLH)


Post a Comment

Previous Post Next Post