BOOGA MAANA FAAY Q5aad ( WAA SHEEKO FANEEDDADA UKU WACAN SHEEKOOYINGA LAGU QORO AF SOOMALIGA)

 

                                             XUBINTA 3aad

Xaafaddani weli waa sideedii: luuq-luugyadii isu wada ekaa iyo sarihii gaboobay ee la mooday in uu isku fuundi dhisay. Fuundi aan ahayn kuwa hadda jooga ee farshaxanka yaqaan, xisaabtana ku darsan in loo baahan doono waddooyin baabuurtu maraan, iyo dariishado ay ka soo galaan neecawda iyo iftiinka gorraxdu. "Laabkani sow ma ahayn kii gurigooda 100-ga weecan jiray! sug.. Aaway.. Sax-sax! Waa isagii..

Waa kaas masaajidkii gaboobay iyo macdaarkii ka so-keeyey!..

. Sar weyn oo rinji iyo nuuradba ka arradan

bay is hortaagtay. Jaranjar dheer oo dhinacyada ka ilka dhacsatay bay kor u raacday.. Dabaga saddexaad markay joogto, ayay albaab furan gar-garaacday..

Maana-Faay oo dadka daaradda fadhiya ku jirtay baa farxad kala hor timid, iyadoo leh: «Weey Sahra! li warran abbaaye, yaa ka roon maanta waa soo dhee-raatay?». Waa la is dhunkaday, si diirran bay u soo dhaweysey, Maana-Faay golkeedi baa la fariistay, sheeko dheer baa la galay.

Sahra mar kasta waxay

ku dadaalaysey sidii ay majaraha sheekada ugu duwi lahayd meel uu ka furmi karo irid doqon-ma-garato ah oo ay ka gasho arrintii ay meesha u timid..

Ugu

dambeyn irridkii bay heshay;

waxay furtay baabka

dhallinyarada iyo jacaylka. Maana-Faay way la gab-satay, wayna ka heshay.. Wax laga sheekeysto oo ay ka jeceshahay baanba jirin.

«Adigu waligaa wax ma jeclaatay mase lagu jec-laaday Maana?» Sahraa waydiisay, markay soo gaar-tay waqti ku habboon.

«Allaheey ka alle».

«Hadda nin ku jecel oo kuu dhimanaya hadduu kuu yimaado, maxaad samayn lahayd?».

«Waa soo dhaween lahaa, see waaye».

«Haddaba anigu waxaan arkay nin indhihiisa kaa jecel, meel uu kaala hadlana waayey; adigay ku jir. taa saad yeelaysid».

«Ha is martiyayn dheh, gacmo furanaa lagu soo dhaweehaa».

Markay saas leedahay waxay u malaynaysaa ha-dal iska kaftan iyo maaweelis ah, waxay is lahayd kaftanka sii macaani. Markiise Sahra hadalka kaf-tankii ka saartay, una tustay arrin dhab ah, Maana-Faay way soo giratay. Intay gosolkii iyo codkeedi macaanaa baddashay bay tiri:

«I-iiiih! - abbaay ani

jeceel-jeceel iyo nin-nin shaqadayda ma eh».

Sahra Yuusuf siyaalo kala duwan bay isugu day-day in ay Maana-Faay ra'yigeeda beddesho, ee wax la gabato ninka ay ugu warrantay waa ku jeclaaday.

«Xataa hal mar iska arag», bay ku tiri, «hadduu ku cajabin waayana runta u sheeg ha igu daalin dheh.

Si uu u quusto».

Markay fikraddaas u jeedineysey waxay is lahayd mar uun iska hor keen, ka dib isagaa maskaxdeeda baddeli doonee.

Waxay ugu tilmaantay nin gaali ah

0o aan noociisa la heli karin, dhan kastoo laga eego. uma sheegin ninka ay sheegaysaa in uu yahay Inji

neer

Axmadkii ay habeenkii dhaweyd aragtay..

Waxay u gashay faallo dheer oo ay jacaylka u tusay-

so wax la caabudo oo aan noloshu la aantii qiimo la-hayn. Waxay uga sheekaysay dhallinyaro is jeclaa-tay, ka dibna is guursaday, noloshoodiina ku dham-maystay farxad joogto ah.

Waxaasoo dhammi waxay

noqdeen hal bacaad lagu lisay. Maana-Faay dhegahay ka awdatay, diidmo gayaxan bay isla soo taagtay, sabab cadna uma sheegan wadeydeed.

Wanaagsanaan lahaydaa in ay shaaca uga qaad-do in Tikar loo caleema saaray. Alaabtii arooskeeda la diyaariyey, aqal-galkeedana lala sugaayo muddada gaaban ee ka dhimman xiritaanka dugsigeeda. Arrin-taas Sahra lama socodsiin, si kale uga qarin mayne sheeg-sheegiddeeda iyo hadal haynteeda o dhan bay neceb tahay. Xataa marka ay nafsaddeeda kala shee-kaysanayso way ka khashaaftaa, ma jecla in ay soo xasuusato guurkaas. Waxay isku daydaa in ay is-il-lowsiiso. Ra'yiga Sahra u soo jeedisayna, sidiisaba uguma muugan mid istaahila xataa sabab lagu dido in la sheego. Iyadu in ay garaysato iska daaye, wu-xuu la ahaa gef aan Sahra qudheeda ku habboonayn, kana gaban in ay ula timaaddo.

Allow qof aan wax ogayn ha cadaabin! Yaa u sheega in ay arrintu intaas ka khatarsan tahay, in ay la socodsiintaasi nogon lahayd gaashaanka qura ee ka badbaadin kara dhibaato weyn oo u soo dhakanay-sa! Mushkilad ballaaran oo ay ula soo gurguurana-yaan maalmaha ku soo socda !!

Sahra haddii ay arrintaas ogaan lahayd, way isku yax-yixi lahayd, walaalkeedna ku oran. lahayd: «Oday candhuuftaada dib u liq». Laba goorraba isku yax-yaxday, uurkana ka gubatay, markay aragtay raadka hadalkeedii ku reebay wajiga Maana-Faay. Waxay aragtay yartii oo baddelantay, sheekadii iyo qosolkii

goosatay, indhaha ay ku eegaysana la moodo in ay leedahay (Oo galabta sababtii aad iigu timidba ma waxay ahayd rufyaannimadaas?!). Su'aashaas ayey Sahra ka akhrisatay indhaha Maana-Faay. Markaa say bisad iskala yaraatay, kana shallayday warkii ay soo jeedisay, boogashadeedii galabta, ballantii ay Ax-med ka soo gaadday iyo waliba yeeriddii ay Maana-Faay gurigeeda ugu yeertay subaxdii ay ku kulmeen

Shaneema Xamar horteeda.

Aad bay ugu carootay walaalkeed Axmed Jaamac iyo nafsaddeedaba.

"Bal eeg iimaanka-alla-ka qaad

kaasi ceebta uu qoorta ii geliyey.. Aniguna tu ma ahiye maxaan uga yeelay wax aan shaqadayda ahayn!

Naagnaagtiisana ma aqaane, hadduu doono weligiisna yuu guursan, ubadna dhaline, side anigu sharaftay dii ku soo ceshan karaa!.. Yaa ii soo celiya warkaygi iga khasaaray.. Maansha la yiri hadal wuxuu am-maankaa yahay intuu uurkaaga ku jiro.. Qiime kasta waan ka bixin lahaa, haddi warkii iga baxay dib la iigu soo celinaayo.. Waatanaa yartii galabta xushmad-da iyo farxadda igu soo dhaweysey kalsoonidii iyo ixtiraamkii ay i haysey, darishadday ka tuurtay.

Dadkoo dhanna way u sheegi doontaa, indhaheedaan-ba ka arkaa.. Ha u sheegto waxay u sheegayso; ma-xaa iga galay, ma awel baan meelahaan isbaranso ka lahaa! Iyaduna hadda ka dib way i yasaysaa, igana go'aysaa.. Khasaaro! Maxaase kaa galay, iyadaa ista-qaan. Guriga sidee uga baxaysaa ceebtaada? Allaha yow maxaa iga gabsaday!

Axmadow shaydaan kuu

naaga doon, waan garanayey in uu jar iga tuuri doo no! Sug hadda, maxaan ku maslaxaa? See waaye cu-nugtaan ciyaal-maamada ah on cir iyo dhul kala agoon miyaad ka caqli badin wayday!!"

Sahra dhawr ilbiriqsi bay isla hadalkaas sii wad-day. Waxay baadi goobaysay jar ay ku soo ceshato

kalsoonidii Maana.

Fikrad baa kadis ahaan ugu soo

dhacday. Fikraddii baa aad u cajabisay.

Farxaddii

duushay baa wajigeeda ku soo nogotay. Intay gosol dheer oo lama filaana ku dhufatay, ee Maana bawdada ka dharbaaxday, daymo xiisa badan oo gosol wada-tana ku jalleecday bay ku tiri :

«Maana-Faay may ku dheheen! Galabta waa kaa raayey maahinoo Maana?».

Maana oo aan qosolkii

uga dayan, qalbigeedase riyaaq aan badnayni soo ga-lay ee intii hore uga dhow yahay ayaa tiri: jira?».

«Riwaayad fiican baan kuu dhigay nooh?».

«See camal?».

«Waxaan kuu sameeyey nin bogor ah, dabci wa-naagsan, dhallinyaro ah, lacag badan leh, jago wa-naagsan Jooga, datoor ah». Intay codkii si is yeelyeel ah galbiga uga soo saartay bay ugu gabagabaysey

«Jacaylkaagana u dhimanaya».

«Adlee maa ii samaysey, mise waa ninkco run eh?». Intay gosolkii dheeraa ku celisay, ee garabka shishe soo gabatay bay tiri, iyadoo sidii cunug la kool-koolinayo u rux-ruxaysa, una soo dhaweynaysa:

«Masaakiin Maana Caddey!».

intay ruxruxiddii ka

daysey ee wajigeeda toos u fiirisay bay u raacisay :

«Ma u malaynaysaa adduunka maanta la joogo in la-ga helo nin tilmaamahaas oo dhan ku idil yihiin, wax dhaliil ahna lahayn?».

«Ani maxaan ka ogahay, adlee warka ma keeni-noo?», bay tiri Maana, iyadoo kala garan la' wax ay rumaysato iyo wax ay beensato.

«Adiga waxaa la rabay in aad i tiraahdid: Ma-laa'ig miyaa ninkaan aan haba yaraatee wax nusqaan ah lahayn, ee isku darsaday dhallinyaronimo, qurux, jago weyn, lacag, dabci-wanaag, jacayl loo dhimanaa. yo oo uu kuu qabo.. Xaggee lagu arkay taasoo kale?!».

«Hadda been waaye miyaa?».

«Nin la sameeyey uun baa tilmaantaas ku imaan kara». Iyadoon weli qalbigeeda shakigi ka bixin qo-solkiise lagu daartay oo wajigeedii furfurtay bay tiri:

«Ad laakiin seed ku keentay inaa been ii sheeg-tid ?».

«Xalay baan», Sahraa bilawday, iyadoo kursigii ku dhacdiidsanaysa, «Filim hindi ah galay nooh. Mar-ka atooraha aad buu u jeclaanayaa atarijada, iyadu-na ma oga. Marka dambaa atarijada loo sheegayaa in uu jecel yahay, laakiinse ka cabsanayo. Way diiday-saa, waxaa la leeyahay «hooy yaan nabsi ku helin».

«Tihi, iidna maxey dhehee?».

«Way baabi'inaysaa,

laakiin marka dambe nabsigii baa helaya, iyadii baa soo jeclaanaysa, isagoo naag kale guursaday, mar-kaasay dhibaato badan la kulmaysaa. Waxay ka shal-laysaa diidmadii ay markii hore diidday».

«Us weli waa jecel yahay maahinoo?».

«Maya, isaga jacaylkeedii waa ka baaba'ay. Bax buu dhahayaa..».

«Miskiin.. ihi?».

«Iihi dambe maa jirta, xariifaddaan waa u dhammaataye!. Alloora atarijada adigay kuu ekaydnooh..

Markaan ku arkay baan filinkii soo xa-suustay.. Waxaa i gashay inaan kaaga sheekeeyo filinkaas, haddana waxaan is-iri bal tijaabi Maana waxay samayn lahayd, hadday gabadhaas meesheeda joogi lahayd.. Hadda waan ku arkay atarijadaas ca-mal baad tahay». Markay halkaas maraysey bay in-tay si xiisa leh u fiirsatay, ee dharbaaxo yar oo ciyaar ah ku dhufatay, iyadoo qoslaysa u raacisay

«Qalbi

dhagaxaa tahay.. Ma naxaysid haye?!».

Intay markeeda qosol ku dhufatay, dharbaaxadii-na tu la mid ah uga jawaabtay bay tiri: «Ar adigaa!

Sahra may ku dheheen.. Ad khabrigaa ma qodmaayo!».

Sahra way gososhay, Maana way u jibisay. Wa-xay moodday in ay iyada u qosleyso, kaftankii ay ku tuurtay awgi. Yaa u sheega in ay iyadu isu goslayso, in ay isugu hambalyaynayso indha sarcaadinta ay. ku guulaysatay, goolka ay dhalisay, godka ay ka baxday, gabadha ay ka caqli badisay !

Hortii waxay u mintidaysey side mar godka uga baxdaa ee sharaftaadii u soo ceshataa? Haddase mar-kay taas ku guulaysatay fikrad kalaa ku soo dhac-day. Farxaddii baa hididiilo cusub ku dhalisay. Wa-xay dib u haweysatay in ayan sahalkaas uga harin hawshii weynayd ee ay meesha u timid.

In ayan guuldarradaas kula noqon walaalkeedii ay ballanta ka soo qaadday. "Waddooyinku mid keliya ma ahee, taasi hadday soo xirantay maad tu kale ku tijaabisid" bay is-tiri. Afka way ka sheekaynaysay, uur-kana way ka fekeraysey, ugu dambeyntii fikrad cusub bay heshay.. Waa in ay horta sheekada baddeshaa, saxan cusub u saartaa, waxaan o dhan illowsiisaa bad kale dhex gelisaa. Markay is-illowdana filinka dhanka kale ugu rogtaa

Saxankii cusbaa bay u saartay.. Sheeko maanta wargeyska lagu soo qoray falanqaynteed bay u ga-shay.. Riwaayad galabtaas i dhehdeeda raadiyaha la-ga si daayey bay u ammaantay.. Dhar moodo ah 00 soo degay bay la socodsiisay.. Barafuun armaajada u saarnaa bay intay soo qaadday su'aalo ka waydiisay.

Mid ka dambeeyey, kana wanaagsan bay u tilmaantay, markay u hiyi kacdayna ka ballan qaadday in ay sin doonto.

Maana farxad iyo raynrayn bay wararkaas

o dhan kula qabsaneysey, ku soo dhaweynaysey su' aalo uga dhiibaneysey, ra'yi ugu darsaneysey, ugu si malabsanaysey, u hanqal taagaysey in loo wado.

Sahrase markay ujeeddadeedii ka gaartay bay in-tay saacadda eegtay saaxiibteed ku tiri «Maana waan daahay, waan baxayaa marka, kow dheh; maxaa inoo ballan ah, goormaan is arkaynaa?».

«Adlee i imaaw», bay si daacadnimo ah ugu ja-waabtay.

«Waa yahay, laakiin jimcadaan anigaa ku casu-maaya. Ka dibse anaa kuu imaan doona».

«Abaay an bixbixid ma la ii oggolee, ma iga dhaaf-tidoo, adigoo mahadsantihid?».

«Mine ma leh macaanteey, ma soo daahaysid.

Haddaad doontid maalintii iska joog, habeenkii lee isla cashaynaynaa. Makhribkii baad ii imaanaysaa. Mar-kaan soo cashaynana anigaa guriga ku keenaya, isla fiidkii».

«Waa yahay», bay hoos u tiri, iyadoo laba laaboo-tinaysa.

Sahra waxay toos u aadday gurigi Injineer Ax-med Jaamac. Laba tagsi bay isku beddeshay. Guriga shaqaalaha sokadiisay ku dagatay.. Jid caddihii bay kor u raacday, iyadoo saanta boobaysa, sidii qof gayla-geys ah. Saddex daqiigoo socod ah ka dib waxay midigteeda ka aragtay sartii caddayd ee iridka jaran-jarta yar ku lahayd. Qolka geeska midig iridkiisa ban-naanka xiga ayey indhaheedu u gudbeen. Waxay ka baqaysay in uu weli maqan yahay waqtigaas fiidka ah. Nasiib wanaag, nalkii waa daaran yahay, isagoo sariirta dusheeda wargays jiifka ku akhrisanaya, ayuu albaabka ka maqlay gargaraacid aan xoog badnayn.

Wuu yaabay, yarna farxay. Waqtigaas cidna filan-mayn. Garey saantaas fudud iyo gargaraaciddaas da-bacsani in ay dumar tahay. «Fican!» buu is yiri, isagoo shaati gashanaya:

"Qoor ivo xero waad u baahnavd

mid ku maaweelisa inta hurdada la gaaraayo"

. Saka-

tuuradii buu fag siiyey isagoo wajigiisa bashaashni-mo ku baraarujinaya. Markuu aqooday bay bashaash-nimadii ka didday.

"Waa mid aan wax i faa'iideynayn!" buu uurka iska yiri. Afkana «Jaaw Sahra!», buu si aan dirranayn uga yiri.

«Jaalle jimcada is diyaari», bay hadal uga bilow-day, iyadoon salaantii ka qaadin. Hurdadii iyo caajis-kii intay ka duuleen, ee farxad kadis ah la soo booday buu yiri: «Warka i sii hee, meeshaad iga jirtid in gof iga jirto horaan u ogaaye!».

«Adeerow waxba ha i masaajayne, goftii way ku diidday».

«Hadday i diddana laf dheeri i jabi maysee warka i faahfaahi» buu ugu jawaabay, isagoo is-doqon did siinaaya, eraygaas dambana dareenkiisa raad xun ku reebay. Intay kursi qori ah oo miiska uu wax ku gor. to hor yiil xagga sariirta u jiidatay, kuna fariisatay bay xog warrankii u bilowday.

Isaguna intuu sariirta salka saaray buu ka soo hor jeestay. Waxay uga warrantay sidii ay maanta uga kor wareegtay, diidmadii ay muujisay iyo ballan-tii shir-qoolka ahayd ee ay ugu dambeyntii u soo dhigtay.

«Hadda maxaa tala ah?», ayuu waydiiyey, isagoo hima jabsan oo astaantii farxaddu wajigiisa ka tiran-tay.

«Si aan toos ahayn baan kuugu balballaminayaa, inta ay kugu gala goynayso, ka dibna adigay ku jirtaa xeeladaha aad ku soo jiidaneyso».

«Hadda jimcada maxaynu samayn doonnaa, taa-saa ugu muhiimsane?».

«Waxaan u casha gaynayaa Jungal; Cabdi-naa-sirna waa la socodsiinayaa, afarteennaa is raacayna».

«Baraafo, aabbahaa baa talin jiray!».

Maana-Faay marna ma filayn cashadii Sahra ku marti gaadday in niman kala qayb geli doonaan, mana is lahayn dibeddaa loogu safrayaa. Laakiinse hadda maxay samayn kartaa waatanoo dabinkii loo dhigay bay ku jirtaaye.. Kooxdii bay dhex fadhidaa. Talo fara uguma jirto.. Fatuurad cad o kuusan (Volks Wagen)

                   LASOCO Q6aad INSHA ALLH

Post a Comment

Previous Post Next Post