BOOGA MAANA FAAY Q11aad ( WAA SHEEKO FANEEDDADA UKU WACAN SHEEKOOYINGA LAGU QORO AF SOOMALIGA)



Laakiin sow ma suurtowdo in ay saaxiibkaa kala ha. raan, illayn isma qabaane, ee aad markaas ka dib cid. la ka heshid? Haah.. Maxay u suurtoobi wayday.. Yaa-khey muu isaga haro!.. Tolow side uga reebtaa?!

Calaa kulli xaal, qofta si fiican isu bar"

Intii uu xabbad sigaar ah shidashadeed ku marmar. soonayey, buu mawjadahaas oo dhan dhex muquufay.

Dhawr jeer buu Maana-Faay ku celceliyey soo bandhi-giddii martiqaadka.. Wuxuu isku dayey in uu ku qanci yo.. Hase yeeshee way u soo dabci wayday.. Waxay markii dambe ku afgobaadsatay; «Caawa kuma soo tala geline waqti kale ha noo ahaato».

Axmedna markii dambe ra'yigaas «reer magaalni-mada» ah garab buu ku siiyey.. Saaxiibkiisna wuxuu ku qanciyey in ay Maana galabtoo dhan gurigoodii ka soo maqnayd, intaas ka badanna ka maqnaan karin

Waana wax jira.

Wuxuu kaloo u raaciyey in loo baahan yahay in Kulmiye saaxiibaddiisna martigaadka laga qayb galiyo, taasina ayan habeenkaas suurta gal nogon karayn.

«Maxaa yeelay qoftii la marti qaadayo waa in waqti hore la wargeliyaa» buu yiri Axmed, isagoo si dadban Kulmiye ugu sheegaya in martiqaadkiisu degdeg yahay. loona baahnaa hadduu caawa Maana marti gaadayo in uu shalay ama dorraad u sii sheego. Sidaasaa loogu heshiiyey in martigaadkii dib loo dhigo.

«Maana waxay i soo xusuusinaysaa» Kulmiyaa yiri, isagoo Maana eegaya «Gabadhii sannadkii dhawayd ku guulaysatay tartankii bogoradda quruxda adduunka ee London lagu qabtay. Aad baad isugu eg tihiin. Had-daad isku dal u dhalan lahaydeen, waxaan is-oran la-haa waa mataano». Axmed markuu warkaas maqlay buu buugaag koomadiin Maana gadaasheeda yaal u dul rasaysnaa ku dhaqaaqay.. Sidii nin aan sheekada u dhugma lahayn buu buug ku sii jeestay. Laakiinse buugga akhrin mayne sheekada Kulmiyuu hoosta kala socday. Wuxuu ku sigtay inuu yiraahdo "Aaheey waa markaagii.. Adeerow bogorad quruxdeed ma aadan ara-ge, gabadha beenta ha iiga beer goyn!!"

«Ad gebertaas intee ku aragtay?», Maana-Faay baa waydiisay.

«London baan ku arkay, markii tartankaasi ka soc-day. Iglan baan berigaas dalxiis ku joogay. Beri dam-bana Baaris baan ku arkay. Hotelka Hilton oo aan dag-ganaa bay iyaduna soo gashay. Habeen baan caweyska Hotelka ku casumay. Iyaduna markeeday i casuntay.

Hablaha Yurubku kuweennoo kale ma ahee waa dad ilbax ah. Ka dib qoftii sidii baan ku saaxiibnay».

Axmed intuu saaxiibkii isha gac ku siiyey buu had-dana buuggiisii ku jeestay. Daymadiisaas Kulmiye wu-xuu ka gartay in uu leeyahay: "Nin aan beenta la xi-shoon baad tahay.. Goormaa London tartanka quruxda lagu qabtay.. Yaase adiga sannadkii dhawayd London ku geeyey, waa taynnu is ogayne.. Xaggeese ku aragtay Hiltonka Baariis.. Yaaba sannadkii dhawayd tartan qu-ruxeed isugu yimid?"

Maana-Faay oo aan arrimahaas oo dhan waxba kala socon, sheekadii Kulmiyana xiise la yeelatay baa tiri: «Oo Baariisna maxaa ka jerisay?».

Intuu yare rugaansaday, ee fadhigisii iyo codkii-siiba haybadeeyey buu viri: «Shirkad Faransiis ah 00 aan lacag ku lahaa baan la soo xisaabtamayey!».

Markay arrintii halkaas gaartay. buu Axmed intuu u adkaysan waayey ka dhex galay. Intuu saacadda ee. gay buu yiri: «Kulmiye baabuurkii waad wadataa sow ma aha?».

«Haah, maxaa baabuur la'aan i dhigay».

Intuu kacay buu yiri, isagoo is diyaarinaya, ee katabaanka surweel ka soo haabanaya: «Fiican weeye.

Haddaba waxaynnu sii dhawaynaynaa Maana».

Maana-Faay Xamar weynaa la geeyey.. Kawaanka weyn agtiiiisay baabuurkii uga dagtay.. In xaafaddoo-da intaas looga sii dhawaado way diidday.. Waxay ka baqaysey in dad garanaaya arkaan. Markay libirtay buu Kulmiye Axmed ku soo jeestay, isagoo leh: «li dhiib gacanta!».

Intuu si diirran u gacan qaaday buu yiri: «Waan kuugu hambalyaynayaa in aad qof cajaa'ib ah heshay».

Axmed jawaab daymo iyo dhoolla-caddayn dhaaf siisan uma celin. Kulmiyana intuu in yar aamusay buu hadalkiisii watay, ee yiri: «Laakinse waxaan ka baqa-yaa in aadan ka faa'iidaysan».

«Maxaad ula jeeddaa ka faa'iidaysigaas?».

«Maxaan kaaga sheegayaa waxa laga faa'iidaysto gabar qurxoon 0o kuu soo gacan gashay., Run ahaantil ima cajabin sidii aad u fadhideen markii aan galabta idiin imid. Ma dhawayn baan u malaynayaa markii aad is barateen. Immisa toddobaad baad is tiqiinneen?».

«Saddex bilood ku dhawaad».

«Bal eeg ilaah baan kugu dhaarshaye nacasnima-daada! Qof aad saddex bilood is waddeen baa galabta kursi kaaga dhakooshay.. Maxaa jira marka aad kur-siga farisinaysid, ma Quraan bay kugu akhrinaysaa?!».

«Maxaa dhacay, xaggee baad rabtay in aan farii-siyo?».

«Maxay kuu gabanaysaa sariirta aad keligaa ya-xoobtid, sidii Shiikh salaad dhawranaya? Maad intaad u jiifsatid, ee gacmaha u kala fidisid, tiraahdid: Hab ku soo dheh caashaqa?!».

«Oo miyaan la wada joogi karin haddaan sariirta dusheeda hab la isku dhihin?».

«Maxay kaa ag samaynaysaa, ma sawir ahaan baad u daawanaysaa, iyaduse ma ajar bay kaa soo raadsa-tay, mise farriin bay kuu keentay? Maxaa jira wagti dhumiskaas! Maxaad nin rag ah ka tahay marka aad gabar qurux badan oo golkaaga kuugu soo gashay kursi ka dhakoolinaysid, ee aad awoodi kari wayday in aad sariirta ku soo dhawaysid, dharka culeyskiisa ka dig-tid, ka dibna hee..! Oheey oh! Waxaan maqli jiray baa-diyi nin aan lahayn bay ag joogtaa!!».

«Waad khaldan tahay saaxiib.. Laf baad toobin ku haysaa, haddaad ragannimada sidaas u fahamsan ta-hay..

Ragannimada micnaheedu ma aha in gabadhii qolkaaga soo gashaba sidii waraabihii lagula boodo ee sariirta lala koro.. Sariirtu waxay leedahay waqtigeeda iyo qorsheheeda. Sideedana ahmiyadda ay adiga kula leedahay dadka lama wada leh.. Qof waliba wuxuu lee-yahay doogisa yo gorshihiisa gaarka ah.».

«Waxaad i tiraahdaa waxaa jirta qof aan sariirt√† u baahnayn oo malaa'ig ah!».

«Waa loo wada baahan yahay, laakiin waxaan ku iri waxaa lagu socdaa waqti iyo qorshe, waana taas midda dadku xoolaha uga duwan yahay. Baahidaada degdegga ah oo keliya hadday ku hoggaamiso, ee aad noqotid maalin-la-nool calooshi-la-ciyaar ah, markaas waxaad la mid tahay xoolaha».

«Haah.. Markaad wacdiga i geli jirtay baa la soo gaaray.. Shiikhow waxaan ku waydiiyey, hal masalo iga jaahil bixi, adigaa cilmi Eebbe ku baraye: Nin yo naag maxaa isu keena, sow in ay isku raxaystaan ma aha?.

«Xitaa taada haddaan kuu raaco, ee xiriirka ragga iyo dumarka dhanka isku raaxaysia keliya ka eegno, raaxadu kuma koobna sariirta dusheeda. Siyaalo badan 0o kala gaddisan baa lagu gaaraa.. Waxay ku xiran ta-hay marba labada qof xiriirkoodu inta uu qota le'eg yahay iyo dareenka isku xirayaa nooca uu yahay. Wa-xaa laga yaabaa gabadhii galabta i ag fadhiday, raa-xada aan ag fadhigeedaas iyo la sheekaysigeeda ka he laayo in aadan ka helin intii gabdhood ee aad waligaa sariir ku midowdeen oo la isku wada daray».

«Micnaha waxaad leedahay gabadhaa, waan jecla-hay, adiguse weligaa wax ma jeclaan, sow ma aha?».

«Adigu in aad weligaa wax jeclaatay iyo in kale adigaa iiga xog ogaalsan; laakiinse anigu qoftaas waan jeclahay».

Intuu goslay buu kajankisii sii watay, ee yiri:

«Oo Shiikhow kitaabku ma wuxuu dhigayaa gabadha aad jeceshahay sariirta waa laga dheereeyaa?!».

Intuu aad u sii qoslay, baabuurkiina joojiyey, buu yiri, isagoo Axmed garabka ka dharbaaxaya: «Waah,

waah, waxaasaa jaceyl an!! Eeysh calaa cashqaan!!

Illayn ninku waa nin cishqi dilooday, wax dabiibtana waayey!! Hoheey jacaylow, kii Qays jicsintow, Cilmina waran ku jidow, maxaad yarka nooga jiirtay..!!».

«Ma rumaysnid miyaa in Qays iyo Cilmi jacayl u dhinteen?».

Axmed oo aan saaxiibki qosolkiisii badnaa kala qayb gelin, jacaylka uu ku jeesjeesayana aad uga xun baa su'aashaas waydiiyey.

«Taas waxaan rumaysanayaa marka aan rumaysto in adduunku yahay ukun dibi geeskii saaran, dibigana mukulaali sanka uga jirto, marka mukulaashu nuux-nuuxsatana dibigu madaxa gilgili doono, duniduna hal-kaas ku burburin doonto!».

«Kula yaabi maayo, qudhaydu jacaylka intii aan dabayshiisu i soo gaarin, ee aan sidaada maalin-la-nool-ka ahaa waxaan u haystay wax afka uun laga sheego sida khuraafaadkii aad hadda sheegaysay».

«Waryaa ma anigaan jacayl i soo marin! Eey!..

Raalli ahow duqa! Aniga jacayl iguma gaari kartid...

Habeen aanan gabar jaclaan ma jiro.. Tii aan la ga-yilayo, shardi waa in aan caashaqaa.. Miyaadan maq-layn habeenkii aan gurigaaga ku: qayilayey wixii jacayl iga baxayey? Xaggee baad jirtay markii aan gabadhi ila gayilaysey ku. lahaa: "Xabiibi macaaneey, xayaata-dii naftaydaay, xubbigaagaan la taahayaaye, xabadka i soo saar, xanuunka aan ka raystee!". Markay ii soo gurmataye aannu cabbaar isla gabaara gaddoonayna, xisaabtii jacaylka halkaasay noogu xirantay.

Habeen kasta sidaasaan tii markaas ila joogta xabiibi iyo xa-yaati isugu jibinnaa, ee jacaylka u darandoorinnaa».

«Aroortiina isma taqaanniin?».

«Aroortii maxaa iskaaya baray, ma takhtar baa isu kaaya goray! Qof waliba jacayl cusub buu hortiisa ka raadsanayaa, wixii cusub caalamkaa jecel. Mise wa-xaad rabtay in aan sidaada saddex bilood ka soo hor jeedo, sariirtana kala cabsado?! War wax isku fal 00 sida isu dhaan baan ku iri! Gabadha miskiinta ahna xaraarada ha ku diline baashaali, oo sigaarka iyo qaad ka iyo waxyaalaha kaloo lagu raaxaysto bar.. Haddii kale wallee maalin dhow way kaa cararaysaa, illayn ku caabudi maysee».

«Wax kula taliya adigaa u baahan Kulmiye, had-daad talo qaadanaysid, laakiinse horaan kuugu daalay».

«Maxaad igula talin lahayd?».

«Waxaan kugula talin lahaa in aad baddashid qaab-ka aad u dhaganto iyo sida aad nolosha u fahamsan tahay».

«Miyay kula xun tahay in la iska wagti qaato inta aad dhallinyar tahay?».

«Adiga miyay kula wanaagsan tahay in aad waqti-gaaga, lacagtaada iyo awooddaada dhammaan isugu wada geysid oo keliya sidii aad habeen walba qaad. khamri iyo naago ugu dex jiri lahayd; maalintiina daal iyo hurdo la gudan kari waydid shaqadaadii xilku kaa saarnaa, iyo in aad shakhsiyaddaada ivo sharal-taada u loogto sidii aad ku heli lahayd lacag aad wax-yaalahaas ku kharaj-garayso?! Goormaad mustaqbal. kaaga u shaqaynaysaa, haddaad wagtigaagii qaaliga ahaa ee dhallinyarannimada sidaas ku dhammayso?»

«Yaan u shaqaynayaa, haddaan raaxadayda baabi.

¡yo? Ma jinni baan u shaqaynayaa, mise shagadaa ii didaysa in aan lafahayga u raaxaysto?».

«Jinni u shaqayn mayside waxaad u shaqaynaysaa aayahaaga dambe iyo aayaha ubadkaaga iyo ubad-kooda».

Kulmive intuu isu goslay buu hadalkii Axmed si hikaadiyey: «Aayaha ubadkaaga iyo ubadkooda! Ga-labtana ubad ubad baad i keentay miyaa! Maad sidaa-dii tiraahdid "aayaha bulshadaada!" Maxay ahayd wi-xii kale.. Haah..

"Danaha bulshadaada.. Ficiiska bulshadaada!" waabad roon tahay haddaad galabta bulsho bulshadii igala xishootay».

«Adigu "bulsho" haddaad maqashid waad ku xajiimoonaysaa, waayo waxaad og tahay in aad eed ka gashay, waajibkii kaa saarnaana ka baaqsatay».

«Eedda aniga la iga galay mid ka weyni ma jirto».

«Waa sida ay adiga kula tahay».

«Ma ahee waa sida dhabta ah».

«Xitaa haddii adiga eed lagaa galay, sow ma aha in aad kala saartid ciddii eedda kaa gashay iyo cidda aad adigu ka galaysid?».

«Waxba kala saari mayo. Mar haddaan aniguba xuquuqdaydii waayey, cidna waajib igama saarna. Qof walba waxaa la raaciyey danihiisa. Jidkii ay ila noqoto in aan dantayda ku gaarayo, ciddii igu eedaysaa war iga gar-daran tahay. Adigaana ka kow ah».

«Laakiin saaxiib waxaad moog tahay dantaadu in ay ku dhex jirto danta guud ee muitamaca. Haddaad taas dayacdana, taaduna way la dayacmaysaa, ogow ama ha ogaane; kalamana dhex bixi kartid. Keliga

xaggee iska keeni lahayd, maxaadse qabsan kari la-hayd, haddaadan bulsho-weyntaas ku tiirsanayn?. Mi-yaadan ahayn nin abaal guda, ama garan kara cidda abaalka u gashay!».

«Alla maxaad dhunsan tahay, oo maskadaada xumbo ka buuxdaa! Waryaa, ma kula taliyaa? Qabqab. taan iyo shahiidnimadaan intaad iska daysid, cimri deg. deg ha isku ridine inta aad dhallinta yar tahay lafa-haaga u raxayso. Haddii kale wallee sidii Qawdhan baad maalin dhow waalli ku dhufan!».

«Qawdhankee?».

«Qawdhan miyaanad garanayn? Kii reer laba lu-goodlee aynnu berigeennii ciyaal dugsiga isla ahaan jir-nay, ka dibna markii dambe aynnu innagu waxbarasha-da dibedda u aadayney, isagu halkaan Jaamacadda ka galay..».

Hadalka intiisii dambe Axmed waa ka goostay..

Markii Kulmiye ninka qabiilkiisa xusay buu. Axmed isla hadal galay.. Wuxuu soo xasuustay odayaal reer miy! ah oo uu beri arki jiray iyagoo wax kasta maro gabil huwinaya, markay qof ka sheekaynayaan, qabiilkisa ku tilmaama, ee yiraahda «Mid reer hebel ah», ama «Kii reer hebel» iwm. Odayaashaas lama vaabi firin. haddeerna lama yaabeen, waayo maskaxdooda lagama fili karo isbeddel weyn; aabbihi ayaaba ka mid Laakinse waxa uu la yaabaa ninka dhal

linyarada ah, reer magaalka ah,Jaamiciga ah,

(sida uu sheeganayo) oo haddana weli maskaxiisu heerkaas joogto, qabyaaladda ku xisaabtamaya, saaxiib badiisna mid walba qabiilkiisa yaqaan. "Xaggee bay ka mareen wixii uu intaas baranayey iyo bulshooyinki ilbaxa .ahaa ee uu ku dhex jiray!" buu is yiri. Hadda ma aha markii u horraysey ee uu ogaanayey fikradaha dambeeya ee saaxiibki amminsan yahay.. Wax ba-dan buu isku dayey in uu wax ka baddelo, kuna guulaysan waayey. Hadda wuu ka raja dhigay, wuxuuna goostay in uu ka xiriir furto, murankiisana ka nasto.. Wuxuu ogaaday, in kastoo ay is dhinac fadhi-yaan, in ay haddana aad u kala fog yihiin, si ay isugu soo dhawaadaanna adag tahay. Intuu daymo u nixid leh ku eegay buu yiri: «Kulmiye waxaa habboon baan filayaa in aynaan waxba is-harraadin, waayo labadeen-na midna midka kale wax kama dhaadhicin karo».

«Waxba kama qabo, laakiin anigu hal mid uun baan kugula dardaarmayaa.. Weligaa naag ha aam-minin. Waxba yay isu kaa miskiinin, annaga naga wa-rayso, annagaa ku soo muruxnaye. Qub moos bay kuu dhigaysaa.. Daacad bay isaga kaa dhigaysaa, intaasna hoostay niman kale ku wadataa. Ku dadaal in aad wax walba xiisaha hore uga dhammaysatid, inta aan nin kale kaala wareegin».

«Waad ku mahadsan tahay casharkaaga gimaha leh».

Buu ugu jawaabay, isagoo ka cararaya in muran hore leh oo madhale ahi ku furmo. Kulmiyana intuu ku gartay buu yiri, isagoo dhoolla-caddaynaya: «Ma xanaaqday? Haddaad xanaaqdana la yaab ma leh, ca-mal xumada waa la idinku yaqaan, sinji baad u leedi-hiin. Maalin dhawayd oo dhan mid cidihiinna ah baa la iga gabanayey intaan la kaftamay. Bal maxaa kaf-tankiisa igu watay, waa mid ay yiraahdaan ina...».

«Dhegayso Kulmiye!» Axmed baa ka dhex galay, «Billaa caleeg gurigaygii igu celi, nasashaan u baah-

nahaye!».

Axmed habeenkaas fidnimuu iska seexday Kulmi-yana suuqiisuu hore u galay..

LASOCO Q12aad INSHA ALLH

Post a Comment

Previous Post Next Post