BOOGA MAANA FAAY Q9aad ( WAA SHEEKO FANEEDDADA UKU WACAN SHEEKOOYINGA LAGU QORO AF SOOMALIGA)


 «War dhagayso, waxaasi waa waxa dadka maan-gaabka ah caqliga looga xadee», hanuunintii buu ku bilaabay «dadkaan aad arkaysid, nin waliba wuxu u ordayaa dantiisa. Qaran garanka iyo waxaan qaran baa loo shaqaynayaa lagu leeyahay, afkaa lagu macay-sanayaa.. Anigu kuma lihi shaqadaada ka tag, ama sag-saag. Looma baahna in ma-shagayste laguu arko. Iska ilaali wixii ceebi kaa soo gaarayso. Ku dadaal sidii aad hore ugu mari lahayd, ama dallacaad ku heli lahayd.

Isla markaasna waa in aad danahaaga ku hoos wada-taa. Maalinka maanta ah ninkii mushaar keliya isku halleeyaa ma noolaan karo. Waxaa loo baahan yahay ragannimo kale oo wax lagu tacbado. Ka soo gaad, waad ogtahay Xaajigaan aan ku leeyahay gacan sii, waa nin ku habboon in aad abaal u dhigatid, oo berri ka maalin. wax ku tari kara. Maxaa yeelay waa nin taajir ah. Adigu dawlad baad u shaqaysaa, ganacsi la-guuma oggola. Isagaa wixii aad rabtid kuu soo dajina-ya. Lacagtaada tisaad ku garsan kartaa. Hadda wu-xuu iga ballan qaaday in uu safarka dhow laba baabuur 00 waaweyn magaciisa iigu soo dajiyo. Aniguna mar-kuu i sheegay Viillada cusub ee uu dhisanayo, ayaan intaan nin wiil fiican leh iska dhigay ku iri, "Axmed baa si wanaagsan kuugu naqshadaynayee, waxba Injineer kale lacag ha iska siin!". Waa tanoo waad nagu ceebay. say ninkii odayga ahaa. Toddobaad dhan baad meer-meerinaysay. Haddaanan been u sheegin, mar horuu hawshiisa dhammavsan lahaa. Wixii aan ku soo baray waan ku khasaaray».

Intii aabbihi khudbaddaas dheer ku wacdinayey 00 dhan, Axmed hoos buu u jeeday. Eraygii uu maqlaba ku sii xajiimoonayey, fikradaha odayga qaarkood kulablabboonayey. In uu intaas ka badan aabbihi la doo-dana kuma dhici karin.. Wuxuu jeclaystay in uu yi-raahdo, "Haddii aanan ku tala jirin in aan baabuur soo degsado iyo in aan lacag garsado midna, ma iga day. naysaa Xaajigaas' iyo naqshaddiisa?!". Laakiinse xag-gee buu ka keenayaa geesinnimada uu aabbihii ugu caddaynayo in uusan arrintaas ku tala jirin.

«Berri buu u soo naqshayaa Axmed, sow ma aha hooyo?» Cambaraa soo dhex gashay, ee sidaas tiri; iyadoo odaygeeda qaboojinaysa, inankeedana daafa-caysa. Curadkeedu waa ruuxa ay ugu jeceshahay inta ifka ku uumman. Dhaliil yar oo loo jeedinayo markay maqasho way calool gubyootaa, gaashaankana u da-ruurtaa.. «Haah hooyo» markuu ugu jawaabay, bay u raacisay, iyadoo codka u dabcinaysa: «Maandhow ga-caliye arrintaasi berri yay ka daba marin, waa taad ducaysnayde. Xaajigu waa nin ikhyaar ah, innaguna dan baynu ku wadannaa, sidii odaygu kuu sheegay.

Alaabtii aad ku guursan lahayd xataa waxaan rabnaa in isaga loo diro, oo uu khaaridka ka keeno».

«Guur miyuu rabaa, waa nin wax kale u cad yihiine.

Annaga uun baa la daba joognee, isaga kamaba hor cadda», Jaamac baa wiilkiisa ku dhega hadlay.. Cam-baroo arrintaasi welwel weyn ku haysay, Axmedna wax badan in uu guursado ku guubaabisay, isaguna ii yare kaadiya u dhaafi waayey, ayaa tiri, iyadoo codkeeda xoog iyo himmad cusub gelisay: «War maandhow ma-xaa guurkii kaa dharbaaxay? Cowdi billaahi! Wiilka guurkii habbisaa laga saaray.. Shago yo akhris uun baa laga daba riday oo uu naftiisii ku illaaway..

Waa mar uu shago ku ordayo iyo mar uu buug dhegta hays-to.. Allow habbiso jinni ha na saarin! Waxakani waa il baan u malaynayaa, waxaan ka baqayaa in ay illaacee-yeen wiilka naagihii xunxumaayoo la lahaa waa daba ordayaan.. Shiikh Maxamuud maalin dhawayd waxaan iri wiilka gardhaas iigu goo, sidaan kuma qummanee».

Axmed iyo Sahra waa is dhugteen. Hadallada kale kuma cusbaynoo horey bay habarta uga maqli jireene, markay qardhaasta maqleen bay gosol ceshan kari waayeen. Ishay qac isku siiyeen, eegmo micna gaar ah leh, gosolna ku hoos jiro.. Sahraa markaas hadashay, ee tiri: «Laakiin hooyo, maxaad u karkabaynaysaan idinku? Markuu gabar ku habboon helo, isagaa idiin la imaan doonee!». Sahra Cambaro «Hooyo» ayay ugu yeertaa, hooyo ahaanna way u qaddarisaa.. Waa gar-teed iyadaa soo korisay.. Iyadoo laba jir ah da'dii ku xigtayna uurka ku jirto, ayuu aabbaheed dhintay. Mar-kaasuu abtigeed guriga keenay iyada iyo hooyadeed 00 uur leh. Habartiina uurkii bay ku umul raacday. Inti ka dambavsav Sahra Yuusuf waxay ka mid ahayd car-ruurta reer Jaamac. Cambarana way u roonayd, inkas-too ayan uga turi jirin hawsha, dilka iyo canaanta, siiba marka abtigeed magan

yahay!.. Markay guursatay, haddana muddo gaa-ban ka dib ninkii kala tageen, waxay door bidday in ay gooni ahaanteeda u deggenaato, maadaa-ma ay nogotay gof weyn oo shagaysata (Macallimad ah); sidii bay gooni ahaan ugu deggan tahay; hase yee-shee reerka waxay ugu xiran tahay sidii iyadoo weli guriga joogta.. Waajibaadka kaga beeganna waxay uga soo baxdaa sidii waalidku ka filayeen iyo si ka sii fiican.

Had iyo jeer way u duceeyaan, wayna ku faanaan.

Jaamac oo Sahra warkeedii xiganaya ayaa yiri:

«Oo goormuu soo helayaa gabadha ku habboon, ma mid hadda ka dib dhalanaysaa! Xaggee buu ka helayaa midda ka fiican gabdhihii uu igu diday, ee aan iri ani-gaa waalidkood kuu waydiinaya, wixii ay doonaanna siinaya. Dad ehlu-sharaf ahoo, abkood iyo isirkood layaqaan, warwareeg iyo basar xumana aan agoone, gur-yahooda ku asturan!».

Axmed iyo Sahra markay «Abka» iyo «Isirka» maq-leen bay ilqooreedda iska eegeen. Erayadaasi waxay ka mid ahaayeen fikradaha ay odayga kula yaabaan, kulase dhici karin in ay u caddeeyaan fikradda taas ka soo hor jeedda ee ay iyagu gabaan, ee ah: qof kasta qiimihiisu in uu isaga ku xiran yahay, «ab» iyo «isirna» ayan waxna ku kordhin karin, waxna ka ridi karin.

Markii cabbaar Axmed yo guurkiisii la jiid-juiday, ayaa weerarkii Sahra xaggeeda loo weeciyey, Axmedna neeftii lagu celiyey ka soo baxday.. Cambaraa warankii u horreeyey ku gaadday ee tiri: «Sahra, adiga qudhaa-du farxaddii waad nagala daahday. Arrintiinnu sow mid dhammaata ma aha, adiyo Cabdi-naasir?».

«Iyaga qudhoodu waxba iskuma hayaan», Jaamac baa raaciyey, isagoo si dadban Sahra war uga doonaya.

«Haddii aanan aabbihii agoon ee aannaan ciddooda saa-xiib ahayn, mar horaan ka aammin bixi lahaa wiilkaas bulucsan, ee yaraanta ku xayroobay, wiil yaraanta ku cayilaanba necbahaye!».

«Annaga arrintayadu way iska dhow dhowdahay»,

Sahraa jawaabtaas kooban celisay, iyadoo ka baxsanay. sa in su'aalo kale la sii waydiyo. Laakiinse sidaas ku-ma baxsateene, waxaa caymiyey Cawaale, oo intuu irid-ka soo gargaraacay, horana ka soo galay, isagoo sidiisii qosolka iyo kaftanku ka soo horreeyo. Markuu dadkii meesha fadhiyey qof-qof kaftan ugu salaamay, Camba-rana xaaskii iyo carruurtii ka waraysatay ayuu hore u raacay Jaamac Dhegey oo u sii hor kacay salootadi. fadhiga. Dhawr iyo toban daqiiqo ka dibna way isla soo baxeen isagii iyo Jaamac oo isa soo dhisay, barafuun qaali ahina ka soo carfayo. Baabuurkii cagaar-naa ee Cawaale bannaanka soo dhigtay baa lala car-raabay, Cambarana niyad-sami bay ku si sagootiday!.

"Dawladdu shirar badanaa! Odeyga naftii bay u keeneene!" bay niyadda ka lahayd. War la'aaney ba'!!


LASOCO Q10aad INSHA ALLH

Post a Comment

Previous Post Next Post