BOOGA MAANA FAAY Q10aad ( WAA SHEEKO FANEEDDADA UKU WACAN SHEEKOOYINGA LAGU QORO AF SOOMALIGA)

Gabbalkii oo guduutay, gaashaanna u ekaaday, baa gebigii qarin lahaa ku sii hoobanaya.. Maalintii baa sii cararaysa.. Habeen carcartiisii gabaa ku daba jira.. Injineer Axmed Jaamac dariishad furan buu ka daawanayaa cilcillowga makhribka ee cirka iyo caadka ku saynsaabanba midabka casaanka ah ku aslay.. Sa-riirtiisii midabkeedu huruudda ahaa buu salka ku ha-yaa.. Lugihiisa kubabkooda timaha badan ee dacaska dhulka ku cuskan waxay ku kala dhex jiraan kubab-kana isku salaaxayaan laba lugood oo ka midab qur-xoon, korkoodu mullaax yahay, kubabkoodu hannaan wacan u qoran yihiin, kabo sookal ahna ku joogaan..

Addimadaas ilgabadka leh ee saakada cillaanka ah huwan waxaa ku soo ag fidsatay Maana-Faav Xaaji Muumin oo ku fadhida kursi sariirta cirifka loo saaray..

Saakada ay gato iyo macawista uu guntan yahay da-calladoodu way is xadantaynayaan.. Marba marka ka dambeeya iyadoon la is ogayn baa la isku soo dhawaa-nayaa, la is gacalo-dhuganayaa, shumis la isu dhiiba-yaa, boholyowga caashaga la isku boodi gaarayaa!.

Inkastoo uusan galabtaas seexan, haddana Axmed wa-jigiisa waxaa ka muuqatay farxad aan xad lahayn.

Waa astaan lagu yaqaan mar kastoo uu Maana-Faay iska ag helo..

Waxaa caado u ah, maalintii qadada ka dib in uu cabbaar seexdo.. Caadadaas aad buu ugu dheggan ya-hay.. Waxa keliya ee ka baajin karaa waa isagoo ga-labtii shago leh.. Laakiinse marka uu Maana ballan la leeyahay xaalkiisu waa si kale.. Hurdo iska daaye sha-gada qudheedaa qiilqiil galaysa.. Taleefoon ay subax: nimadii u soo dirtay ayay ku ballameen in ay galabti

guriga ugu timaado.. Markii uu soo qadeeyey ilaa mar-kay u timid, oo ay u dhaxaysey muddo saddex saaca-dood iyo dheeraad ah, muu seexaan, hawl aan u diyaar-garowgeeda ahaynna ma qabsan.. Xitaa akhriskii uu u bisa bisoon jiray, buug ma kala furin.. Inta uu guriga joogo, mar uu hurdo iyo mar mar marti culus u joogto mooyee, inta kale wuxuu ku jeedaa buug ama wargeys..

Marka uu Maana sugaayo o0 keliyuu akhriska illaa-waa.. Wuxuu ku dhaqaaqay kala habaynta guriga, qur-xintiisa iyo carfintiisa. Diyaarin wax ay ku madadaa-lato.. Wax ay cabto, wax ay daawato iyo wax ay de-gaysato.. Waxyaalaha ay ka hesho iyo waxyaalihii uu xusuus ahaanta uga hayey ee uu soo dhaweeyo, meeshii ay fariisan lahayd oo uu sii qorsheeyo, isaga naf ahaan-tiisa oo isa sii habeeya.. iwm.

Hawlahaas oo dhan waxaa uga soo haray waqti badan oo uu seexan karay, hase yeeshee ma seexan..

Muxuu u seexan waayey? Ma wuxuu diiddanaa in ay u timaaddo isagoo hurda, mise fekerkeedii baa dareenkii-sa buuxiyey, jidkii hurdadu u soo mari lahaydna ka xiray?! Labada sababoodba way jiraan.. Barashadi Maana-Faay ka hor, marna lama ahayn in gof dumar ahi ilaa xadkaas la weynaan karto... Hammigisa buuxin karto. Qalbigiisa hanan karto.. Hawl ku noqon karto...

Hurdo u didi karto.. Habeen yo dharaarna madaxiisa ku jiri karto.

Habeenkii ugu horreeyey quruxdeeda uun buu ka helay.. Waa rag iyo hawee, hannaankeeda wacan baa hiyi kiciyey.. Sababtaas awgeed ayuu Sahra ugu dirsa-day, isagoon garanayn hadaf cad oo uu ka leeyahay.

Habeenkii Jungal, waxay ugu muuqatay qof ka duwan hablihii hore u soo maray.. Wax aan u caddayn baa xaggeeda u jidanayey, naftiisa raalli gelinayey, wehel lama huraan ah ugu ekaysiinayey.. Maxay ahaayeen

waxaasi? Ma quruxdii habeenkii horaba hiyi kicisay baa? Ma xishoodka gabarnimo ee ay daymadiisa waji. ga ka dadbaysaa? Ma laabteeda xalan ee aan xeela. dihii dumarka lagu yiqin weli ku xoogeysan baa? Ma erayadeeda ugubnimadu ka dhadhamayso ee ay dhib yarida carruurnimo isaga dhahaysaa? Isaga qudhiisu ma garanayn waxa uu ka helay, ee naftiisa raalli ge. liyey.. Keliya wuxuu garanaayey in uu ka helay.. In ay hammigiisa buuxisay.. In ay laabtiisa harsatay.. Ma ka-la hubin qudhiisu in jacayl hardiyey iyo in ay hawo kale calan u lulayso.

Kulamadii habeenkaas ka dambeeyey ee uu la yee shay, Sahra Yuusufna u fududaysay, midba midka ka dambeeya wuu u sii hanweynaanayey, u sii hanqal taa gayey, hirar fogi u sii muuqanayeen, hawadii guurkuna ku sii weynaanaysey, inkastoo uusan weli haasaawaha ku soo darin.

Hadda marxalad aan yarayn; miisaanna fududayn bay is barashadoodii ka tallawday.. Waqtigu waa xii-mayaa.. Bil baa dhammaatay.. Mid kalaa ka daba tag tay.. Tii saddexaad baa kala barantay.. Isbeddel weyn baa dhacay.. Waa taas Maana-Faay ninkii ay dayma-diisa ka carari jirtay gurigiisa galabta dhex fadhidee saxankii cishqiga la dheelaysa!

Ma sahlana sida ay Maana heerkaas ku soo gaar-tay.. Tallaabooyin badan baa ka horreeyey.. Tub deer bay soo martay. Martiqaadkii u horreeyey ee ay ku soo dhaweeyeen Sahra yo saddexenkeedii, Maana wuuu ku reebay raad aan go'i karin..

Tixgelintii weyneyd, koolkoolinti badnayd, ammaantii xad-dhaafka ahayd. xushmaddii ballaarnayd, adduunyadii la tusay, arrimihii

looga sheekeeyey, intuba waxay noqdcen wax aan hore u soo marin, aad u xiisa geliyey, qiimihii ay isla lahayd kordhiyey, qabweyni dareensiiyey, dunidoo dhan u qur-xiyey, galbigeedii ugbaa ee waayo-aragnimada u oom-manaana irdihiisa garaacay.

Habeenkii hore waa tii xusuustaas ku seexatay, subaxdiina la soo toostay.. Ka dib, dhawr jeer gurigii Sahra boogashooyin ku tagtay.. Asxaabtiina la kulan-tay.. Kadis iyo ku tala galba.. Sheekadii sii socotay..

Maana tartiib-tartiib u qala goysay.. Kooxdiina la qab-satay.. Sahra horeba uga qaloon mayn.. Cabdi-naasirna dhaqsaba ugu qala goysay.. Ulana kaftan wadaagtay..

Axmed marka ay kala maqan yihiin keligiisay inta ba-dan ku fekeri jirtay, erayadisii soo gocan jirtay, sa-wirkiisu u muugan jiray.. Marka ay aragtana way ka qaloon jirtay. Markii dambe isagina ku qalo goysay..

Isxirxiriddiina ka xoroowday marba marka ka dambeeya waxay dareemaysey in ay Axmed ku sii xirmayso, xusuusteeda ka bixi la' ya-hay, xoog dahsooni xaggiisa u sii jiidanayo.. Waxay is-aragtay iyadoo mar walba ku fekeraysa, sababta ma garanayn.. Marka la sheekaysanyo si gaar ah u dhagey-sanaysa..

Isaga afkiisa uun eeganaysa.. Dadka kale hadalkooda u dhugma lahayn.. Marka ay iyadu had-laysana dareemaysa in ay keligii la hadlayso... Waxyaa-lihii kale ee ay danayn jirtay way illowday.. Aad bay isula yaabtay.. Meel lagaga yimidna garan wayday..

Dhawr jeer bay goosatay in ay kooxdaas ka xarig fura-to, guriga Sahrana iska goyso, ee gurigooda ku ekaato, sideedii hore... Go'aankaas waxay gaartay markay da-reentay in mawjadi sidato, ciddiina ka shakiday ee hooyadeed dhawr jeer canaanatay, beentii ay u shee-gaysayna ka soo oodantay.. Ma yarayn inta jeer ay guriga Sahra ka tagtay iyadoo niyaysan in ayan dib dambe ugu soo nogon..

Haddana waxay is-arki jirtayiyadoo ku soo ordaysa, ee is celin kari wayday. Hadday dhawr beri gurigooda isku adkayso, nolosha o dhan baa ka hor imaanaysa.. Cuntada, hurdada, akhriska, dadka  guriga jooga iyo hadalkooda, waxaa oo dhammi way dhibayaan.. Way ku xajimoonaysaa.. Markaasay is cunaysaa, ee is karhaysaa, wax walbana karhaysaa, ka dibna joogi kari waayaysaa, ee soo xargo goosanay saa!

Muddo ka dib, Axmed iyo Maana wixii ay isu qa been way qarsoomi kari waayeen. Runtii baa la isu sheegay.. Jacaylkii waa soo shaac baxay.. Fagaare fay. dan baa loogu faysteeyey.. Qoftii u horraysay ee daaha ka rogtayna Sahray ahayd.. Ka dib markay labadooda midba gooni u daristay, in ay isku cudur yihiinna ogaa-tay, ayay u kala xog warrantay, kuna dhirri gelisay in ay xanuunkooda isu qirtaan.. Axmed baa ku horree-yey ee beryo is bandhigayey.. Maanana markii dambe is garin wayday.. Daahii waa la iska rogay.. Dhufayskii waa la isaga soo baxay.. Kalgacaylkii waa la isku ga-can gaaday..

. Heestii jacaylka waa la darandoorriyey.

Maqaarsaarkii Sahra waa laga baxay.. Gurigeedii cu-layskii badnaa waa laga qaaday.. Kooxdii waa laga ma-dax bannaanaaday.. Madal jacayl baa meelo cusub laga furtay.. Guriga Axmed ka mid buu noqday..

Maana-

Paay waa la soo baray. Markay cidda kataan ka hesha-ba way u soo dhuumataa.. «Dugsigi baa galabta lagu nogonayaa» iyo «gabar baan duruus la soo akhrisana-yaa» bay ku marmarsootaa.. Aay Caddeey allaahu run..

Horaa loo yiri, «runtaada hore beentaada dambay u roon tahay..».

Ishii bugtaay ku bikaacso!! Waa taas Maana-Faay caawa ku gabbaldhacsatay gurigi gacaliyaheed.. Nin kii hadlayaa ha hadlo.

Af  buuraa ninkuu ku yaal buu dhibaa ag fadhigiisu farxadda uu nafsaddeeda ku beero way ku baddelanaysaa canaan kastoo ka soo gaarta.. Way ku qabtaa xan kastoo laga been abuuro...

Doob dareen baa dilay!.. Dadow i daaya! Dawadi naf-taydaan dugsanayaaye!..

likar Aaw Mukhtaarna aa-

way?! Ma ogi.. Ma ogi.. Ma ogi..! Dhub allaha siiyo dhiblowgaas!! Markuu likar ku soo dhacay bay isku naxday.. Intay Axmed wajigiisa eegmo lama filaan ah qac k usuisay, bay degdeg uga jeesatay, ee indhaha hoos u rogatay.. Waxaa saagay dareen dhalanteed. ah o0 cabsi geliyey.. Waxay la noqotay in uu Axmed uur-keeda daalacday ee likar ka dhex arkay, ogaadayna arrinta ka dhaxaysa ,iyada iyo ina-adeerkeed.. Iyadoon is garanayn bay wajigiisa xanaaq ka eegaysey.. Mar-kay is garatayna waa tii degdeg uga jeesatay.. Waxay ka cararaysey in eegmadu shaki geliso, ama indhihiisa soo juidato, ka dibna uù uureemo walwalka wajigeeda ku sawirmay.. Hoos-u-jeesiga waxay ku qarinaysey wa-laacii ku dhacay korkeedana wada saameeyey.. Hase yeeshee, wuu qarsoomi kari waayey.. Sheekadii uu u hayey way ka hartay.. Inuu hadlaayo way maqlaysey..

Waxa uu ka hadlaayose goorahaanba lama socon. Isa-goo hadalkii dhexda uga jira, ayay intay sacabkeeda midig isku babisay, uga naxsatay !

«Axmed minankaada kuleel waaye». Waxay isku dayaysey in ay hadalkaas walaaceeda ku qariso. Ama in ay albaabkiisa ku ooddo. Intuu wajigeeda ka ilbuux-saday buu yiri, isagoo sheekada ay kala goysay filan waageedu indhihiisa ka muuqdo:

«Ma kululaatay Maana?», intuu babis soo haab-tay buu cod macaan ugu raaciyey: «Iga raalli ahow gacaliso, haddii aan dareemi waayey in kulayl ku hayo!

Marka aad ila joogtid, jacaylkaaga mooyee wax kale ma dareemo. Hawadu kulayl iyo dhaxan mid ay tahay ma garanayn»

Intay markuu in yar babiyey, babiskii si dabacsan uga soo qabsatay bay tiri: «Waad mahadsan tahay».

Wuxuu afka u kala qaaday in uu hadal yiraahdo.

Laakiin intaan eray ka soo bixin buu maqlay albaabki yare riixnaa oo la garaacayo iyo «Bermeeso» nin leh.

Intuu jalleecay buu yiri: «Soo dhaaf!».

Maana-Faay intay isku naxday bay Axmed ka du-rugtay.

Inan madow oo xoog weyn baa soo galay... Xabbad sigaar ah oo daaran baa laba farood dhexdooda ugu jirta... Gacanta kalena silsilad dheer oo xirmo furayaal ah ka lulata, ayuu si qabweyni ku jirto ugu wirfinayaa.

Markuu madaxa la soo galayba, waxaa qacdii hore in-dhihiisa jiidatay gabadha quruxda badan ee kursiga ka dhakoosha.. Cabbaar bay indhihiisii ku dul suuxeen, sidii bir Magnad qabsaday, addimadana midba mar buu si culus u soo gaadayey.. «Abbabaay.. Abbabaay!.

Ar waxaasaa qurux lagaa yiraahdaa!!. Daayeerku xag. gee buu ka helay malaa'igtaan yar?! Maxaan anigu u heli waayey intuu isagu helayey, anigaaba intaas ma gaalada afarteeda gees baabuur la wiifayee!». Intii u sidaas uurka ka lahaa, afkana wuxuu ka yiri: «Galab wanaagsan!».

Oraahda noocaas ah weligii kuma salaamin saa-xiibki. Kajan iyo xifaaluu hore uga bilaabi jiray.. Oraah-da asluubaysan, eegmada hurdaysan, saanqaadka mil saaman iyo sigaarka qabweynida loo jiidayo, intuba waa dhoollatusad gabadhu ka keentay.. Waa caado uu leeyahay markuu gabar cusub la kulmo. Markuu mee-shii gabadhu fadhiday hal tallaabo u soo jirsaday buu intuu si xushmad leh gacan ugu soo taagay ku yiri:

«Abbaaye Kulmiyaa la i yiraahdaa»

Intaan Maana u jawaabin buu yiri Axmed, sidii nin eed reeb ah, ee ka gaashaamanaya in waajib-guda-sho la'aan lagu eedeeyo: «Kulmiye waa saaxiibkay aan isku dheernahay. Iska jir, waa dumaashigaaga kowaad».

Haddana intuu Maana garabka shishe gacanta ka saaray buu yiri, isagoo Kulmiye hadalka u jeedinaya :

«Maana-Faay.. Waxaan u malaynayaa wax badan baad iga maqashay. Waa qoftii aan ku dhaaran jiray.. Ma-gaceedu kuguma cusba».

"Haah, waa qoftii uu barashadeeda kaa meermeerin jirey.. Galabtaad gabatay.. Alleylehe bagaad ugu timid..

Illayn hadduu beryahaan dumarkii kale ka go'ay, waa nin sabiibkaan cidla' ka helay!

". Intuu mar labaad Maa-

na gacan qaaday, buu yiri, isagoo fikradahaas madixii-sa ku soo dhacay dhoolla-caddayn ku qarinaya, gacan-teedii dabacsanaydna weli ku dheggan: «Maana-Faay miyaa goftaani?! Waa runtaa.. Magaceedu iima cusbee, araggeeda uun baa ii dhimmanaa, isagana galabtaan nasiib u yeeshay. Barasha wanaagsan!».

«Barasha wanaagsan!», bay ka daba tiri, iyadoo gacanteedii uu ku dhaggenaa tartiib ugala baxaysa, ee uurka ka leh "Iga fuq bisinkee!"

«Aad baan ugu faraxsanahay» isagiiba sii watay, isagoo kursi uu 500 flitay ku sii fariisanaya,. «in aan galabta dumaashiday bartay... Inkastoo aynnaan is ar-kin, waan la socday in aad qof wanaagsan tahay. Sidaas daraaddeed, waxaan hadda ka hor Axmed ku iri, ha-beenka u horreeya ee aad Maana iskaaya bartid, laba-diinnuba anigaad ii casuman tihiin.. Nasiib wanaag caaway noqotay.. Casumaaddaydii waan fulinayaa, idin-kuna waad iga aqbalaysaan. Adiga sharafkaaga, ayay isku casumaynaa Maana..

Isbarashadii goyska oo dhammaystirantayna waynnu u dabbaaldegaynaa. Sow ma aha Maana? Qalinka noogu duug! Allaa yacisak!».

«Abboowe waa mahadsan tahay..

Cawada wakhti ma gabi» bay ugu jawaabtay iyadoo dhoolla-caddaynay. sa, qosol dhab ahna isku celinaysa. Waxay iska dhigay. sey qof hadalkiisa u bogtay, ee riyaaqiisa u goslaysa..

Dhabtuse waxay ahayd, hadal tiradiisa iyo indha aday. gisay ku goslaysey. Axmed qudhiisa mar baa gosol ka soo fakan gaaray, markii Kulmiye ku andacoonayey in uu martiqaadkiisa hore ugu sheegay. Markuu beenta uu qurxinayo maqlay, buu intuu darbiga xaggiisa u jeestay, uurka ka yiri,

"Iska wad waa munaafaqnima daadii aad weligaaba hablaha ku indha sarcaadin jir-taye!"

Kulmiye martiqaadku ka dhab buu ahaa, kase daa-cad ma aheyn.. Markuu Maana arkay buu go'aan deg. deg ah ku gaaray in uu daraaddeed u baabi'iyo barnaa-mijkii habeenkaas u qorshaysnaa.. Wuxuu la ballansa-naa laba gabdhood oo uu xalay iyagoo waddada taagan ka qaaday, ee soo cashaysiiyey, ka dibna ay ku adkaa. tay in uu middood ku keliyaysto, tan labaadna khaa rajiyo. Waqtiguna ciriiri buu ku ahaa, waayo gabar uu labadaas beri wadwaday buu gurigiisa kula ballansa-naa. Sidaa awgeed ayuu asxaabtii cusbayd ku yiri :

«Waa inoo habeen dambe!». Axmedna wuxuu u soo ma-ray. inuu hore u qaado, ee yiraahdo: «Naagaha mid iga qabo», si uu tan kale daynkiisii uga gudsado. Markuu Maana-Faay arkay hablihii fiidmeerta ahaa iyo barnaa-mijkoodiiba wuu la qiime beelay.. Hase yeeshee, marti gaadkaas iyo barnaamij-burburintaasi kama ahayn deeqsinnimo ka badatay iyo daacadnimo saaxiib ahaa-need.. Ugu danayn mayn Maana-Faay iyo Axmedkeeda..

Isagaa meesha dan ku watey.

Waa caado uu leeyahay marka uu gabar qurxoon: la kulmo, in uusan si fudud uga gudbin iskudayiddiisa hore, waa in uu isla markaasba barnaamij la samays-to.. Hadday taasi ku adkaato, sida badanaaba dhacda, wuxuu ku dadaalaa. in uu kaa guntado xarig uu berri raad raaci karo.. Gurigeeda, taleefoonkeeda, meesha ay ka shaqayso, ama dugsiga ay dhigato iwm.. Kuma aammino taleefoon ay isaga ka qaadato, ama ballan ay u dhigto oo keli ah. Isla markaas, waa in uu. inta ay la joogto «burhaantiisa» wax ka tusaa, ee run iyo been-ba ku. indha sarcaadiyaa, si ay araggiisa labaad ugu. soo hilowdo.

Taasi waa gofta caadiga ah ee uu ugaarsanayo

Laakiinse tani waa dumaashidi.. Dumaashidi miyaa hunguri ka hayaa? Xaashaa lillaah!! Sharafkiisaa ka weyn!! Oo haddaas muxuu ilaa xadkaas u danayna-yaa?! Muxuu barnaamijkii u gorshaysnaa ugu loogay?

Muxuu isagoon wagti haysan u soo ag fariistay, ee sheekada dheer ugu galay? Hayaay! Muxuu uga ha-gaagi la'yahay, ee ay weli u haysataa sidii Magnadkii? !

Muxuu u sii dhadhansanayaa erayadeeda? Muxuu u sii macaansanayaa daymadeeda? Bal adba! Ma uu gara-nayo. Timir laf baa ku jirta! Ceeb allaha asturo! "Maya Maya.. Xaashaa.. Alle iguma jirrabin in aan saaxiibkay gacan dhaafo.. Inta naago ilaahay badshay dumaashi-day wax ka damci mayo.. Immisaa bocor i daba orday-sa, ee aan ballannadoodii kala jahayn kari la'ahay!..

Laakiinse tani dumaashiyo la mid ma aha, dumar la Jaad maaha.. Eeysh calaa cuyuun!.

Qoftu ma qof baa! Yaa salaam!! Bal ilaah baan idinku dhaarshaye, eega canabkaas bislaaday!.. Ma in-dhahaasaa la iska celin karaa! Ufaa caleeg! Jalleecee-da macaan baa i dishay! Istaaqfurulla.!! Nacallaa shaydaan ku yaal! Hungurigaygow yur! Ceeb caleeg!

LASOCO Q11aad INSHA ALLH

Post a Comment

Previous Post Next Post