BOOGA MAANA FAAY Q12aad ( WAA SHEEKO FANEEDDADA UKU WACAN SHEEKOOYINGA LAGU QORO AF SOOMALIGA)

 


dambeeya ee saaxiibki amminsan yahay.. Wax ba-dan buu isku dayey in uu wax ka baddelo, kuna guulaysan waayey. Hadda wuu ka raja dhigay, wuxuuna goostay in uu ka xiriir furto, murankiisana ka nasto.. Wuxuu ogaaday, in kastoo ay is dhinac fadhi-yaan, in ay haddana aad u kala fog yihiin, si ay isugu soo dhawaadaanna adag tahay. Intuu daymo u nixid leh ku eegay buu yiri: «Kulmiye waxaa habboon baan filayaa in aynaan waxba is-harraadin, waayo labadeen-na midna midka kale wax kama dhaadhicin karo».

«Waxba kama qabo, laakiin anigu hal mid uun baan kugula dardaarmayaa.. Weligaa naag ha aam-minin. Waxba yay isu kaa miskiinin, annaga naga wa-rayso, annagaa ku soo muruxnaye. Qub moos bay kuu dhigaysaa.. Daacad bay isaga kaa dhigaysaa, intaasna hoostay niman kale ku wadataa. Ku dadaal in aad wax walba xiisaha hore uga dhammaysatid, inta aan nin kale kaala wareegin».

«Waad ku mahadsan tahay casharkaaga qiimaha leh».

Buu ugu jawaabay, isagoo ka cararaya in muran hore leh oo madhale ahi ku furmo. Kulmiyana intuu ku gartay buu yiri, isagoo dhoolla-caddaynaya : «Ma xanaaqday? Haddaad xanaaqdana la yaab ma leh, ca-mal xumada waa la idinku yaqaan, sinji baad u leedi-hin. Maalin dhawayd oo dhan mid cidihiinna ah baa la iga qabanayey intaan la kaftamay. Bal maxaa kat-tankiisa igu watay, waa mid ay yiraahdaan ina...».

«Dhegayso Kulmiye!» Axmed baa ka dhex galay, «Billaa caleeg gurigaygii igu celi, nasashaan u baah-nahaye!».

Axmed habeenkaas fiidnimuu iska seexday Kulmi-yana suuqiisuu hore u galay..

Fatuurad cad 00 kala jidan baa la soo wareegtay nalka baabuurta kala hora rukunkiisa ku hor yaal Taal-lada «Daljirka Dahsoon». Koonfur bay u weeca-tay.. Waddada «Soomaaliya» ayay cagta la haleeshay, iyadoo luudaysa sidi wax soo daalay, ama jahadu ka dhunsan tahay ee aan u socon meel la og yahay.. Wa-xay sii luuddaba, markay Bangiga dhexe la simaadkiisa soo gaartay, ayuu nalkeedii dardaray gabar cambuur baalal weyn oo kuwa habeenkii lagu xashaasho ah qab-ta, kabo cirbo dheerna hore ugu sii taagsanaysa..

Ninkii buurnaa ee baabuurka daadihinayey, markii ishiisu gabadha quruda badan qac ku tiri, ayuu nalkii iyo socodkiiba yareeyey, hareerahana iska eegay, sidii nin wax maaggan..

Gabadhiina intay iftinka badan dhibsatay, bay waddadi midig uga sii durugtay, saan-tana hoos ka boobtay, sidi iyadoo ka cararaysa baa-burka kala jidan ee soo daba higsanaya.

Gabadhu waa Maana-Faay oo Shabeelle tagsi uga dagtay, ka dibna goosatay in ay si lugayso ilaa Xamar-weyne 1yo gurigoodi.. Saacadda oo ay dhawaan firisay bay mar kale isha ku xadday.. Ma xuma.. Siddeeddii fidnimo weli wax baa dhimman..

• Waxay jeclayd in ay guriga dhakhso u tagto, mar haddi ay ku guulaysan wayday arrintii ay galabtaas u dhuumatay.. Markii maanta la qadeeyey, gof walbana sariirtiisa koray, bay iyadu hur do iska wayday.. Muugaalkii Axmed Jaamac baa maan-keeda hor taagnaa, maskaxdeedana mashquuliyey.

Waxay galgalataba intay mar qura sariirtii ka boodday bay mayrasho ku dhaqaaqday.. Waxay go'aan kadis ah ku gaartay in ay boogasho kadis ah ugu tagto.. llaa bartamaha Hodan bay socdaal ku sii jirtay... Sartii caddayd ee jaranjarta gaaban lahayd bay isa sii taagtay..

Nasiib darro albaab xiran baa ka hor yimid..

Axmed galabtaas shaquu ku laabtay.. Maana-Faayna niyajab-keedii bay la soo noqotay.. Soo bixiddeedii way ka shal-layday. Walwal iyo walaac baa uga sii kordhay.. Weli iyadaa isku magan..

. Waxa hareeraheeda ka dhacaya iyo buuga ay ku. dhex jirto ma dareensana.. Dukaam-mada cammiran ee ay hor marayso, dadka faraha ba-dan ee is garbinya, gawaarida waalan ee is dhex yaa-caysa, guuxooduna hawada buuxiyey, intaba way u war la'dahay.. Fatuuradda kala jiidan ee u soo gaatamaysa way moog tahay..

Odaygii feeraha weynaa ee fatuuradda ku gaata-mayey, waa kaas hareeraha firfiirinaya, sidii nin baa-di ka dhuntay buuga ka dhex raadinaya..

Fatuuradda socodkeedii dhaqaaq-joogsi buu noqday.. Ninka odayga ah maskaxdiisiina waxaa kala jabsaday gabadha sii so-cota iyo khalqiga faraha badan oo ay ku dhex jirto..

Waa bartamaha Xamar oo fiid jooga.. "Dadka baas fara badanaa, ma warshad bay ka soo fagmayaan !

Baabuurtuna ka daran.. Xaggee bay ku qamaamayaan, may noo firaaqeeyaan, wax yarna ha ahaatee! Firaago warkeed daa.. Wixii ku firinayaa ha ku firsheene haw-shaada iska qabso!... Maya.. Maya.. Meeshaani ma aha meel gabar lagula hadli karo.. Nin weyn baad tahay 00 Sharaf leh.. Dadkuna wada yaqaan.. Nin madax ah baad tahay oo magac leh.. Madaxnimada iyo magacaba mar-Kaasoo kalaan nacaa.. Xornimaday naga qaadayaan..

Nasiib badanaa nin aan cidina agoon, cidna ka xarig xi-ranayn!.. Wixii uu doonuu samayn karaa.. Adigu ma-xaad samayn kartaa!.. Laga yaabee waxaas hareera-haaga yaacaya badankoodu inay ku garanayaan... Lagaba yaabee in ay kugu soo baxaan kuwii aad dhashay ama kuwii kula shagaynayey ee aad madaxda u ahayd.

Jinni baa wax dhala!.. Balaayaa mada≤ nogota!... Bal eeg bocortaas ay na seejinayaan!.. Qoor iyo xero isku biimee!.. Ma cirkaa soo dumaya.. Rag iyo dumar weli-goodba waa la isku ogaaye.. Maxea ka mine ah.. Laa-kiin sug!.. Markaad dhoocishaas baabuurka u joojisid, hadday ku raacdo waxba ma aha; laakiin hadday kugu jeestayso, dadkuna kugu wada qoslo, sow fadeexad weyn ma aha? Waa fool xumo.. I iini.. Allaylehe isaga tag, ilaah baa wax ku siiyee.. Laakiinse qof laga tagi karo miyaa!. Oo kaalay, maadi iska daba gashid inta ay buuga ka gudbayso, ee meel mugdi ah gaarayso..

Laakiinse yaa og inay gaarayso?!.. Hadda waa tan hor maraysa Kafee Nasunaale.. Hadday isgoyska la leexato, rajo ma leh.. Midig iyo bidix kii ay u bayrtaaba waa buug hor leh.. Laakiinse hadday tooskeeda u socoto way wanaagsan tahay.. Mar hadday iridka weyn ee Hotel Curuuba ka gudubto, dadka yo iftiinkuba way yaraa-nayaan. Halkaasaad uga daba tagaysaa.. Nasiib had-daad leedahay horteeda uun ha u socoto..

Hawshii uu hayey yo jidkii ciriiriga ahaa markay iskeeni waayeen buu baabuurkii joojiyey.. Intuu ka $00 dagtay buu sigaar-iibsi ku marmarsooday.. Ishiisuna waxay la jirtay gabadha cambuurka baallaha weyn qabta ee isgoyska ka sii tallaabaysa.. Wuxuu ku ducay: sanayey in ay tooskeeda u si socoto.. Ducadiisii aqbal bay noqotay..

Saaxibkeen baabuurkiisii kala jidnaa buu degdeg u galay, una kiciyey, isagoo faraxsan, sidii nin ku gut-laystay «Baqtiyaa nasiib» qaali ah..

Maana-Paay markii ay Musevemka Ummadda in yar garab dhaaftay, ayay ku war heshay baabuur cad

oo horteeda qotonsaday. Tolow ma iyaduu isu taagay, mise danihiisa kale! Shaki baa galay, Waxayse arrintii u kala caddaatay markay daaqaddisa la sinnayd, ee maqashay ninkii watay oo leh: «Yareey!».

Si otomaatik ah bay u firisay iyadoon joogsan..

Waxaa galay dareen ah in uu yahay nin garanaya iyo in kale.. Intuu eegmadeedii ka faa'iidaystay buu u raa-ciyey:

«Kaalay abbaaye, wax yar baan ku waydiina-yaaye!».

Aragtay in ayan is-agoon. Ujeeddadiisana faham-tay. Intay wajigeedii si degdeg ah uga soo ceshatay, bay saantii hore u sii boobtay, iyadoo u naqsanaysa..

"Abbaaye kuma lahoo! Abootadaada waa!.. Adoogay waa ka ween yahay, mana ka sheexaayo shukhul xu-maantaas.. Akhas!! Wallaahi adduunyo gaddoon waa-ye.. Dukhyaalkii aaba dariikhyaha laga mari weeysan yahay!.. Intee amaan laga helaa hadda waaye!"

'. Hadda dugnimada uun bay ku haaraamaysaye, tolow maxay oran lahayd haddii ay ogaan lahayd in uu yahay sod-doggeed (Saaxiibkeed aabbihi)!

Jaamac Dhegey weli halkiisii buu jacdii ku dhacday la fadhiyaa.. Ceeb allaha asturo!.. Wuu ka soo toosay jugti... Waa kaas soo dhagaaqay. Malaha go'aan buu gaaray: «Meeshaad ku goydo waa lagu qallalsadaa!».

Sahalkaas uga hari maayo.. Waa in uu ka sal gaaraa, gabadhaan xunoo is-kibrinaysa. Markuu ugu lito waa in uu ogaadaa meesha ay gasho, si uu ugu qaylo gaysto kaaliyayaashiisii hawlaha noocaas ah u fududayn ji-ray, ee khibradda gaarka ah ku lahaa.. Isaguna ka abaalmarin jiray..

Wuxuu goostay in uu tijaabadii hore mar labaad soo celiyo, erayadiina baddelo, wixii ka dhici lahaaba

ha ka dhaceene. Hase yeeshee intuusan soo gaarin bay amuuri dhacday! Qoftii uu ugaarsanayey, gabar kalaa intay ka hor timid salaan diirran la iskula booday ee la is dhun-dhunkanayaa.. Gabadhii buu gartay..

"Maanaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa!.. Ma run baa ma riyaa?! Allow riyo ka dhig!.. Rab ama ha ra-bin.. Wallee waa run.. Ma tahay, mise ma aha?! Qoor iyo xero, waa iyadii!.. Waa Sahra Yuusuf oo aan caad saarnayn!.. Ceebeey tacaal!". Cirkii baa ku soo dumay.

Carradii baa ku oloshay.. Ciribtiisaa go'day.. Balaayo waa tii caawa halkaan keentay!

Wadnihi baa afka yimid.. Dhiiggii halbowlayaashii sa meeraysanayey baa karkaray, kuna sigtay in uu ban-naanka u butaaco.. Wuxuu jeclaystay in dhulka hoose u banneeyo god uu ka dhex duso.. Ama cirka sare u soo rido wish uu ku duulo.. "Balaayo ku dhashay isla wareegadiiyeey!..

Bal maxay xilligaan Xamar Weyne ka soo doontay!!'

Intuu dhankii gabdhuhu ka xigeen wajiga ka dad-bay, buu baabuurkii diyaarad camal u bitiyey.. Rajadil: su waxay ahayd, intaysan ku garan ka siibo... Rajadaas Rabbi kama aqbalin.. Sahra mar horaa baabuurka kala juidani indhaheeda soo dabay, abtigeedna ka dhex arag. tay. Waxay isu diyaarisay markuu soo eego in ay sa-laanto.. Eegmo warkeedse ma oolline xuf buu ku dhaafay..

Maana-Faay markay iyadoo firinaysa aragtay bay intay ka faa'lidaysatay ku tiri: «Abbaay Sahro, cawada siin u yaabay abidkeey ma u yaabin».

«Maxaa jirana?».

«Walaahi, haddin kuu warramo, ad naftirkaada waa yaabey maahine jinniyaa kugu dha

«Bisinka! Naa bal ii warran!».

«Abbaay ninkii oo fatuurada cadka eh inta la moo-daayey ma arkinoo?» Sahra way aamustay, sidii qof aan waxba fahmin.

«Hadda kii inta moodaayayna?» Maanaa u raacisay.

«Haah.. hee?».

«Abbaay haddiin ku dhoho dukhaas weyn aan ca-wada dhan ka baxsan waayey!!».

Sahra xaaddaa istaagtay.. Dabayl yar oo naxdin iyo yaxyax isugu jirta ayaa shax ku tiri.. Amakaaggii bay afka sacabka saartay.. Gabadhii bay su'aalo aan loo baahnayn ku celcelisay.. Waxay jeclaysatay in ay Maana been sheegayso, ama nin kale moodday.. Runtii kharaarayd baa dhuunteeda ka dagi wayday. Sidee wa-xaasi uga suurtoobi karaan abtigeed Jaamac Dhegay-gii ay ku taqiin ikhyaarnimadiisa iyo sharaf-ilaalintii-sa!! Sow ma aha kii iyada ku dili jiray "maxaad fiid ho-re u soo seexan wayday?" iyo "muxuu ahaa ninkii kuu yimid!" Sow ma aha kii nacladda dusha uga tuuri jiray nimanka gabdhaha ugaarsada, iyagoon ciddooda u soo marin, ama gurigooda ugu imaan! Sow ma aha kii «Wasakh Najaasaysan» ku tilmaami jiray gabdha-ha baabuurta cadcad waddooyinka ka raaca! Sow ma aha kii wiilashiisa ka waanin jiray gabdhaha ayan agoon iyo shukaansiga aan jidkiisii toosnaa loo marin!

"Maya.. Maya.. Maya.. Ma aha abtigay ninka wa-xaasi ka suurtoobeen... Ma abtigay baa maanta gabdho yaryar gaari ku gaadanaya?! Taasi waa qorraxdii bari laga sugayey oo galbeed ka soo baxday.. Wax dhici kara ma aha.. Yartu been bay baratay.. Laakiinse Maa-na been ma taqaan.. Warkaanina been uma eka... Mala ha ninku abtigay ma ahayne, anigaa is-moodsiiyey.

Laakiin ma abtigaa baa dad kaaga khaldami kara?!

Sow adigii arkaayey madaxiisii weynaa ee tintu ku ya-rayd iyo shaatigii diillimaha lahaa ee uu galabta ku soo baxay! Kaalay, dad iyo duurba wax aadan ka fi lanayn baa ka soo baxee, duga wixii beryahaan habar. tu uga cabanaysey armay wax ka jiraan?! Ma suurtoo-bi karto.. Habartu iyadaa waalan.. Dad war-xuma-tashil ah baa waalay.. Wallee waa yaab!.. Waxba garan maa-yo!." Intay dhaqaaqday bay tiri: «Maana jaaw, waan sii hoyanayaaye!», sidii qof ka baxsanaysa dambi loo haysto 

Injineer Axmed Jaamac intuu Jubba kafee ka cab. bay buu waddada qarkeeda isa soo taagay.. Xaggee buu ku dhaqaajiyaa!.. Fasaxii gaabnaa maantuu uga eg ya: hay.. Berri shaqadisii adkayd buu bilaabi doonaa.. Caa-wana wuxuu leeyahay barnaamij muhiim ah, oo ay ku talo galeen isaga iyo saaxiibtii Maana-Faay.. Waxay IS-ku ogaayeen in ay habeenkaas marti qaadaan Sahra Yuusuf iyo Cabdinaasir.. Fikradda Maanaa soo jeedi-say.. Axmedna waa u riyaaqay, waana ku raacay.. Laa: kiinse wuxuu ka litay xagga jeebka..

Maana meeshii kharash ku baxaayo waxay ku adkaysataa in ay qayb-teeda bixiso... Ma aha gabdhaha marka lacag bixinta la gaaro intay gacmaha laabtaan wiilka fiiriya, ee ka su-ga in uu had iyo jeer isagu kharashka bixiyo, sidi nin lacagtu beer uga baxdo ama maxkamadi ku xukuntay.

Maana waxay jeceshahay haddii wiilku hal mar kharashka bixiyo marka xiga in ay iyadu bixiso, had daan tabartu u didin, ama isagu ku gacan sayrin.. Ax med gabadhiisa dabeecaddaas wuu ku bartay, waana og yahay in ay ka hesho.. Hase yeeshee, wuxuu xog ogaal u yahay in aysan beryahaan lacag qumman hayn..

Isaguna wax ku filan ma hayo. Waa inuu qalqaalo ga-laa, inta goori goor tahay..

"Tolow xaggee u qalqaalo tagaa?.! Haah..! aabbe.. aabbe!". Markii xaalku xumaado wuxuu u irkadaa aab-bihii, run iyo been wuxuu u sheegaba.. Talo kale ma jir-to.. Waa in uu duqii raadiyaa.. Saacadduu eegay.. Fii-can.. Waa siddeeddii subaxnimo.. Waa waqtiga u wa-naagsan ee uu xafiiska soo fariisto.. Mashruucii uu Agaasimaha Guud ka ahaana ma foga.. Waa Degmada Shibis dhankeeda galbeed.. Waa toddoba daqiiqo camal oo lug ah.

Go'aan buu ku gaaray, kuna dhaqaaqay...

Intuu waddada Jamhuuriyadda gooyey, ee farmashiyaha Jubba ka soo horjeeda geeskiisa la laabtay, buu Waddada Jubbada Sare woqooyi u raacay.. Baar Fool-baxsi mar-kuu hormaraayey, ayuu u hingaday in uu kooka-koola ka cabbo.. Haddana ma geline markuu garab dhaafay buu waddada cusub ee Bakool bari ula weecday.. Ma-khaayadda yar ee sambuusleyda ah iyo tubakaayada ku dheggan buu si ag-maray.. Wuxuu ka siqsiqay cun-tada duqsiga iyo dabaysha u dayacan, dadkuna cuna-yaan.

Isagoo tii la yaabban buu waddada dhankeeda kale jalleecay... Illeyn makhaayaddu waxayba ahayd i garso..

Wuxuu arkay haweeney guntino duug ah iyo garba-saar jeexjeexan gabta, oo waddada lugta lagu maro dhulka fadhida, dad wax walbaale ahi hareeraheeda is-dhaafayaan.. Cunug yar baa dhabta u saaran.. Laba ka roonroon oo gaawanina, labada dhinac bay uga kala tiirsan yihiin. Horteeda waxaa dhulka taal dambiil ay ku jiraan sambuus iyo bur-saliid.. Cunugga yar ee dhab. ta u saaran, oohin buu la qaylinayaa.. Laakiinse hooyadi uma kansho hayso in ay aamusiso.. Waxay ku mash. quulsan tahay shagadii ay qadadiisa ka soo saari la-hayd.. Shaqadu waa shaqadee? Waxay min hal xabbo oo bur-saliid ah ka iibinaysaa laba ruux oo dul taagan.

Labada mid waa nin reer miyi ah, da'disu meel dhe. xaad tahay, oo intuu go'weyn guntaday, labadisii dacal ee faragyada lahaa, labada garab ka kala ritey.. go'u asalkiisi hore wuxuu ahaa bafto; haddase midabkiisii caddaanka ahaa waa doorsoomay.. Cagaha wuxuu ku si-taa dacas goome baabuur ah.. Ul dheerna intuu dhulka ku mutay ayuu afkeedii kore salka ku cuskaday.. Waxay u tahay kursigii uu ku quraacanayey!

Qofka labaad ee bur-saliidka jibsanayaa waa wiil yar oo caga cad, dharna daba-gaab jeexjeexan ka qaba..

Gacanta uu burka ku cunaayo ma ahee tan kale wuxuu ku laalaadinayaa quluxa yar ee caseeyayaashu burush-yada iyo ranjiga ku urursadaan.. Ninka iyo wiilku wa-xay isaga eg yihiin macaluusha jirkooda ka muuqata, ee la moodo in ay dad abaari goysay ka soo hareen, wa-sakhda korkooda saaran ee la moodo in ayan sidii hoo-aydood u dhashay biyo taabsiin iyo diifta dhafoorkooda ka muugata ee la moodo in ay sanooyin soomanaayeen.

Axmed Jaamac intuu dadkaas kadeedan is.dul taa-gay, ayuu u firsaday xiisaha la yaabka leh ee ay bur saliidka qallalan ku jajabsanayaan, sidi iyagoo ka boo-baya diqsiga ku soo gamaamaya ee ay iska yurayna-yaan.. Wuxuu soo xasuustay quraacdii udgoonayd ee saaka gurigooda beylahda ku ahayd ivo carruurtoodi wiilkaan la faca ahayd ee quraacdaas macaane caynba caynka ah baryada iyo khasabka afka loogu gurayey, iyaguna ka biya didsanaa.. Wuxuu niyadda ka jec-leystay in uu hore u soo gaado, ee dadkaan u keeno. quraacdii haraaga ahayd ee saaka .adeegayaashoodu daadiyeen. Wuxuu is yiri "labadaan yo laba kaleba qu raac iyo gado way ugu fillaan lahayd

Intuu dhaqaagay buu agagaarkiisa sii firfiriyey..

"'Bal isu eega meeshaan iyo meeshii aan daqiigado ka hor kafeega ka cabaayey! Baarkii Jubba iyo xaafad-dii saraha dhaadheerayd ee cagaarka badnayd ee uu ku dhex yiil.. Xaafaddaas iyo tani maxay iska og yihiin!

Waa laba adduun oo la leeyahay waa hal magaalo.. Ma-xay iska og yihiin carshaantan daydkii ka jajabay, ee digada lo'du hor daadsan tahay iyo dhismihii muraa-yadaha badnaa, dhererkiisu daruuraha isku shareeray, jardiinada jannada ahi ku meersanayd, baabuurta cas-riga ahi hor safnayd, waddada hillaacaysaa isku hor juidday.. Maxay iska og yihiin dadkii haybadda iyo dha-Idhalaalka ka muuqdaa iyaga naf ahaantooda cajabina-yey, ee baarkaas hoostiisa, halkii aan kafeega ka cab-baayey kuraasta dabacsan ku dangiigay, sharaabka qabow ku fiiqsanayey iyo kuwaan hilfaha leh ee jidka ciriiriga ahe, habaaska badan dhexdiisa, burka qalla-lan duqsiga ka boobayay, si ay nafta ugu ceshadaan!!"

Intuu madaxa gilgilay buu waddadii tabaaleysnayd hore u sii gaaday.. Muugaallo kale oo aan farax gelin buu sii dhaafay.. Meel uu maalin hore arkay buu soo gaaray.. Garaashka gaboobay ee ganjeellihii iyo gidaar-kii hayeyba gaarigu jebiyey markuu midigta ka qabtay, ayuu gartay in uu u dhaw yahay Mashruucii uu u soc-day.. Hadduu indhaha hore u taagayba waxaa u muuq-day geeskii soke ee dhismihii dheeraa ee Mashruuca Sahminta Hawada. Laba daqiigo ka dibna jaranjartii dheerayd buu cagta saaray, isagoo u sii socda Xafiiskii aabbihi oo ku yaal dabaga afraad.. Markuu dabaqa la-baad la sinnaa baa waxaa ka hor yimid Cise-dheere 00 degdegsan, faylna gacanta ku sita.

«Weey Axmed! iska warran Injineere, maanta soo dheeraatayaa!» Ciise-dheeraa si farxad leh ugu salaa-may.

LASOCO13aad INSHA ALLH

Post a Comment

Previous Post Next Post