BOOGA MAANA FAAY Q13aad ( WAA SHEEKO FANEEDDADA UKU WACAN SHEEKOOYINGA LAGU QORO AF SOOMALIGA)


«Nabad Ciise, see la ahaa?»

«Waa la wanaagsan yahay.. Sow la iskama ladna beryahaan la isma arkine?»

«Ciddii ka warran Cise?»

«Mahadsanid. Buuftaa la hayaa, aad iyo aad.. Ley. lana waa ku soo salaamaysay, mar kasta waxay tiraah-daa Axmed haddaad aragtid igu salaan».

«Salaamullah. Leyla waa ladan tahay sow ma aha iyo ninkii Burhaan ahaaba?»

«Nabaddooda, yarkaa mar naga hargabsaday, had-dase waa iska ladan yahay. Haddee aabbana waa joo-gaa, malaha asagaad soo gaartaye..»

«Haah.. kor buu jiraa sow ma aha?»

«Maya.. Hanuunintii baa weli lagu jiraa.. Maanta isagaaba khudbadda lahaa...»

«Haah... Illeyn haddaan shagaalihii arki waayey, saaka waxay ahayd subaxdii hanuuninta!»

«Aahey.. Aniga qudhaydu meeshaan jiraye, fayl kan oo arrin looga baahday baa la ii soo diray.. Waa-taan ku Jiray guddiga shaqaalaha. Ina keen iska dha-gayso inta laga soo baxayo, kollay dhawaan waa la soo baxayaave».

«Maad iga dhaaftid aan bannaankayga ku sugee.

sow arrimo Hay'addiinna u gaar ah ma aha?»

«Ina keen wax garsoodi ah ma ahee, waa iska ha-nuunis guude!»

Hoolkii weynaa ee shirarka irridkiisii markay soo gaareen, ayuu Axmed isku yaxyaxay, kuna sigtay inuu dib u laabto.. Hase yeeshee, meel uu ka nogon karo ma joogin.. Dhawrkii bogol oo shagaalaha ahaa, ee dha-gaysanayey kudbadda Agaasimaha Guud, ayaa hal mar soo wada eegay.. Aabbihi qudhiisu intuu jalleecay, buu hadalkiisii hore ka watay, sidii isagoon arag.. Wuxuu dhexda ka fadhiyey, xusulladana ku cuskanayey miis dheer oo shagaalaha ka soo horjeeda.. Hareerahana waxaa ka fadhiyey Guddiga Shagaalaha iyo Agaasima: yaasha Waaxyaha wixii ka joogay.

Ciise-dheere yo madaxdii xagga hore ka soo jeed-day badankooduba, waxay damceen in ay Axmed ku soo dhaweeyaan miiskaas shagaalaha hortiisa ka soo jeeda, ee madaxdu safan tahay.. Hase yeeshee, Ax-med waa diiday, wuxuuna ka door biday in uu shaqaa-le-weynaha dhex faristo.. Wuxuu u gudbay geeska u dambeeya oo kuraas badani ka bannaanayd.. Intii uu sii gudbaayey shagaaluhu ishay la sii raacayeen.. Ba-dankoodu way garanayeen in uu yahay wiilkii Agaasi-mahooda ee Injineerka ahaa.. Qaarkood madaxay u lu-layeen, gaarna dhoolla-caddayn bay ku salaamayeen..

Qaar kalena salaan daaye ishay ku gubayeen, waxay jeclaayeen inay ka dhex dusiyaan.. Wuxuu ugu muu-qanayey in uu yahay hooskii aabbihi.. Qof waliba da-reenka uu aabbihi u gabo ayuu ku qaabbilayey.

Kuwa dhoolla-caddaynta iyo madax-lulka ku soo dhaweynaya, gaarkood aabbihii waxay ula hayaan si dhab ah.. Meel kastana way ku ammaanaan, si aan loo Ba beddelin.. Qaarna marka ay isaga arkaan uun bay daba yaacaan... Waxay isaga dhigaan dad jecel oo daa-cadnimo kula shagaynaya... Markuu ka magan yahayna xan iyo shirqool bay la daba galaan.. Kuwa wiilka in. dhaha ku gubayaana waa kuwo odayga nebceystay,

kuna ducaysta in mar uun laga beddelo. Kuwaas qaar-kood uurka uun bay uga bukaan, isagoon ogeyn, shaga. doodana ku sii jeedaan. Qaarse colaaddooda kalama gabbadaane wajigay ka saaraan, dagaal cadna kala soo hor jeestaan, goraal iyo afba.

Colaaddaas sababaha keenay way kala duwan yi-hiin.. Qaar waxay ugu ciil qabaan arrimo ay shakhsi ahaan u tabanayaan :

gunno, fasax, dallacaad, daryeel iwm.. Qaarna waxay ku eedaynayaan in uu Mash-ruuca curyaaminayo, caddaalad xumana ku maamulo.

Waxay ku doodaan inuu dano isaga u gaar ah uga faa'-iideysto Mashruuca, kuna xiran yahay ganacsato waa. weyn iyo dallaaliin la yagaan. Waxyaalo badan 00 ar-rinkaas caddaynayana fartay ku fiiqaan.

Ciise-dheere intuu faylkii Agaasimaha Guud hor dhigay, ayuu soo aaday xaggii dambe ee uu fariistay ninkii martida u ahaa.. Markii uu la sii fariisanayey, waxaa il nac leh dib ugu soo eegay shaqaa lihii gaar ka mid ahhorena Axmed Waa kuwii markii Jaamac eegmada ku kululaynayey.. Indhahooda fiqfiigani waxay lahaayeen «Bal eega munaafaqaas!

Wuxuu wilkaas ugu afmiinshaa raynayaa in uu aabbihii ugu dhawaado». Way ku gaf-sanaayeen xukunkaas qallafsan ee ay ku rideen waday. good Ciise-dheere.. Dhab ahaan Ciise Agaasimaha dha-waansho kama rabin.. Soo dhaweynta Axmedna mu-naafaqnimo (Laba wajiilenimo) kama ahayn.. Ku soo dhaweyn mayn, siday u qaateen, aabbihii daraaddil..

Wuxuu ku soo dhaweynayey xushmayn ka dhab ah 0o uu isaga u hayey... Xushmayntaas waxaa u sabab ah la-ba arrimood oo golyahaas shagaalaha ahi u war la' yihiin.. Tan hore waa dhagankiisa gofnimo iyo fikrada ha uu gabo oo cajabiyey Clisoo dhawaan bartay, da-reemayna in ay arrimo badan isku aragti ka yihin, tan labaadna waa xiriir xaasnimo oo meesha soo galay, kaddib markii Cise ogaaday in ay is jecel yihat isaga iyo dumaashidi Maana-Faay

Cise, wuxuu ka mid yahay shaqaalaha odayza uurka uga buka, kuna eedeeya in uu Mashruuca ku da-naysto; hase yeeshee, ka-hor-imaad bareer ah uma mus jivo, mana jecla in wilkiisu arrintaas ka garto. Qaar seef- la-bood ah oo shagaalaha ka mid ah, ayaa waxay kula murmaan «Jaamac-dhegey baad dabadhilif u ta-hay!» Eedeyntaas o0 ay sida badan u soo jeediyaan farsamayaqaannada ay isku xirfadda yihiin, waxay ku bilaabeen muddadii uu ku biiray Guddiga Shaqaalaha.

Dhaliishoodaas waxay u cuskadaan berigii Ciise dhee re dhibaatada weyni kala soo gudboonaatay sidii uu u aroosi lahaa Leyla Xaaji Muumin, o0 ay is-jeclaadeen. ciddooduna u diddanayd. «Berigaasaa Jaamac gacan qabtay» bay yiraahdaan. Wuxuu siiyey lacag deyn ah iyo fasax dheer.

Jaamac-dhegey weli khudbaddisii dheereyd buu wadaa.. Hadduuba codkii kor u sii dallacay, oo kulayl iyo xammaasad hor leh geliyey:

«Maya jaallayaal!.. Ma oggolaanayno waxyaalaha caynkaas ah.. Shaqa-curyaamiska iyo iska daba warecg-ga yo afmiinshaarnimada dadka gaarkii la dhuxdhux leeyihiin, u dulgaadan maynno... Waxaan arkaa dad we li u hangal taagaya beenti, musuqmaasugii, garaaba-kiilkii, xatooyadii xoolaha dadweynaha, laba wajilanni-madii iyo waxyaalihii kaloo qurunka ahaa ee Kacaan-ka ka hor jiri jiray; waxaan u jeedaa dad raba in ay soo celiyaan. Dad dantooda ka hormarinaya danta um madda. Dadkaas tallaabo cad baan ka qaadaynaa!

Sharcigaan la tigsanaynaa.. Kacaanku ma oggola wa xaas!..»

Sacab xammaasad leh baa hadalkii ka kala gooyey.

TAxmed waxba kama sabcine yaab iyo feker buu hoos la eegay.

„" Cajaa'ib! Maansha la yiri «Afow yeelkaa.

uurow allaa ku og!» Ma aabbahay baa ninka sidaan u hadlayaa?

"Waa kuma ninkaan dhaleecaynaya danaysiga. mu-sugmaasuga iwm.. Waa yaabe aabbahay a xalay inti la hurday buu is-beddelay, oo Kacaan-yahan noqday?

Mise weligii sidaanay isaga soo horjeedi jireen khudboo yinka uu halkaan ka jeediyo iyo kuwa uu guriga noogu akhriyo!

Laba wajiilennimada uu sheegayaa sow taas ma aha?! Sow foolxumo ma aha haddii shaqaaluhu ku gartaan?! Allow ceebteenna astur!"

«..Ninkii shaqada sagsaaga» Jaamac baa weli wac daro ridaya.. «Tallaabaan ka qaadaynaa.. Waa in la ilaaliyaa dishibilinka iyo waqtiga shaqada!»

Taas dambe waa ka dhab.. Ma jecla in shagada la sagsaago.. In dishibiliinka la jebiyana wuu ka dhin-taa.. Waa nin karti badan oo shago jecel, caajiska 1o ceebtana neceb. Inkastoo danihiisa gaarka ahi kala weyn yihiin danta guud, haddana aad buu uga taxad. daraa in ay dayacanto meeshii loo xil saaray; kaddib na uu ku ceeboobo, madanimadana laga gaado, ama sharciguba qabto.

Sidaa awgeed, wuu iska ilaaliyaa in uu si toos ah ugu tagri falo hantida Mashruuca.

Siyaalo badan buu u fushadaa ujeeddadiisa weyn ee ah in uu wax tabcado, ee hantidiisa gaar ahaaneed ballaariyo. Sha-qadiisa iyo bulshoweynta chexdeedaba, haybad buu ku leeyahay.

Markii shirkii laga dareeray, Jaamac-dhegey. xafiskiisii buu toos u aaday..

• Axmed shagaalihii ay is-yiqiinneen baa salaan ku hakiyey; kadibna aabbihiis ayuu xafiiskiisii weynaa ee quruxda badnaa uga daba tagay.

«Haye Axmed!» buu ku salaamay, intuu xaa shiyihii hor yiil madaxa kor uga qaaday, markuu shan. gartiisa maqlay.

«Nabad aabbe» buu ugu. jawaabay, isagoo taagan.

Carruurtiisa aad buu u jecel yahay, siiba Axmed wuu ku dhaartaa; aayihiisana aad uga fekeraa, wixii uu weydiistana uma dido, si uusan u calool xumaan.

Sidaasuu isagoon raalli ka ahayn uga yeelay in uu guri gaar ah dego, markuu yiri «Carruurta buugee. da kuma dhex jiri karo». Wuxuuse la yaabay booqa-shadiisa kadiska ah.. Ugama baran in uu mine darro xaf├╝iska ugu yimaado.. Wuu ka yare naxay.. Wuxuu is yiri: ma dhiillo soo korortay buu kaaga war keenay!

«Waa sidee, ma wax cusub baa jira?»

«Maya aabbe, waxba ma jiraane, anigaa muraad yar kaa soo yeeshay»

«Haah.. Soo fariiso! Armaad nin iska dhigtay, 00 muraadkaagu ku saabsan yahay arrintii aan weligay kugu guubaabin jiray?»

«Tii guurka miyaa?».

«Haah, mise weli

"sahan" baad ku jirtaa, sidaad

oran jirtay?».

«Wallaahi aabbe sahankii waan isaga jiraa, laa-kiinse hadda ma fara marni».

«Haddaba, waan kuu sheegay, bishaan gudahee-da haddii aad wax keeni weydo, anigaa xilkii kaala wareegaya, ee gabar wanaagsan ciddooda kuu wey-diinaya..»

*Maya aabbe, waad. mahadsan tahay, laakiinse xilkaas adiga kugu dhibi maayo».

«Xaggee baan uga fursanayaa haddaad adigu ka soo bixi weyday; anna aan rabo in aan dhashaada ar. ko intaan gabow iyo geeriyi naga daba imaan! Hadda maxaad isku haysaa, waataad lahayd ma fara mar. niye?».

«Gabar baan is-barannav»

«Kow!»

«Hadda intii muddo ah waan wada soconney, way.

na ila wanaagsan tahay».

«Oo maxay tahay?». Axmed wuu gartay.. «Maxay tahayda» aabbihii inay su'aalo badan huwan tahay. wuxuuse ugu soo gaabiyey:

«Waa ardayad dugsiga sare dhigata».

«Dadkooda ma tagaan?» Su'aashaas dadban bu ku celiyey, isagoo qudhiisu ka cabsi qabay, in wiilkisu chibsado, hadduu toos u weydiyo suaasha uu doona. yo. Axmed oo ay u caddayd jawaabta aabbihii ka doo-nayo, hase yeeshee, weli ka meermeerayaa yiri

«Maya aabbe, ciddooda weli isma aannaan baran»

«Ma gabar aadan weli dadkooda agoon baad rab-taa inaad guursatid?» Jaamac baa cod intii hore ka kulul, ee canaani ka dhadhamayso ku weydiiyey.

«Maya aabbe, wax go'aan ah weli kama gaarin.

Go'aanka guurku adiga uun buu kugu xiran yahay.

Cid kale go'aan ma ka gaari karto. Xitaa iyada weli guur lama soo hadal qaadin»

«Oo haddaadan guurba la soo hadal gaadin ma-xaad isu sheegi jirteen? Maxaadse ka og tahay in ay ku oggoshahay yo in kale, ma quud aan jirin goryo u guraa?».

«Waxaan ogahay in ay i jeceshahay. Waxna iga diidi mayso haddaan iraahdo aan is-guursanno».

Intuu isu goslay buu cod kajan huwan ku yiri :

«In ay i jeceshahay, in ay i jeceshahay.. Bal ninkaas weyni, wuxuu ku hadlaayo! Waxaagoo dhammi waa dhalanteedkaas. Markaasaad leedahay xil baan gaadi karayaa; anigaa gof la imaanaya! naag aadan dad-keeda agoon, oo waxay tahay ogeyn, Soomaali Maxa-med nin ay caawa alla ka tahay sheegi karin, oo aan wax heshiis ahi idin dhex marin, baad hadda is-leeda-hay gof baad haysataa. Waxaasi ma wax lala shir yi-maadaa!».

Axmed in yar buu feker la aamusay.. "Ilaahaw ha-na imtixaanin. Canaantaas oo dhan waxay iigu dha-caysaa maad dadkeeda iyo goladeeda soo ogaatid! Bal maxaa faduushaas i geliyey..! Ma iyadaan guursana-yaa, mise dadkeeda..! Si fiican baan u bartay, si fican bay ii baratay.. Waan ka helay, way iga heshay.. Waan jecelahay, wey i jeceshahay.. Intaas oo dhan haddaan ogahay maxaa ii dhiman?! Bal waa kane yaa aab-bahay noo kala tarjumaana, ee intaas keliva ka dhaa-dhiciya!! Anigu in aan ka dhaadhiciyo warkeeda daa-ye xitaa uma sheegi karo.. Intaas hortiisa kama oran karo!!" Intuu madaxa kor u gaaday buu yiri, isagoo gidaarka firinaya, laakiin aan waxba arkayn:

«Aabbe horta arrintaan ma ahayn tii aan maanta kuugu imid.. Arrintaan mar dhan baan rabay in aan kuula imaado, markaan dhankayga ka soo diyaarga-roobo. Haddana maadaama sheekadu nala gashay

wun baan rabay in aan ku sii ogeysiiyo in qoftaasi jir. to. Qof aan ku kalsoonahay haddaysan ahaynna kuu: ma sheegeen... Adiga naftaada, waa qof aan hubo in aad ila jeclaysan doontid markaad aragtid, xagga qu. ruxda iyo xagga quimaheeda kaleba»

Intuu yare aamusay, buu si deggan u weydiiyey, sidii nin soo dabcay:

«Aabbaheed iyo hooyadeed ma joogaan?».

«Haah, way joogaan».

«Aabbaheed muxuu ka shageeyaa?»

«Waa beec-mushtar aan weyneyn»

«Magaci?»

«Xaaji Muumin baa la yiraahdaa»

«Xaafaddee deggan yihiin?»

«Xamar-weyne»

«Gurigooda ma tagtid miyaa?»

«Waan tegi lahaa, waalidkana mar horaan is-baran lahayne, waa dadka dhagankoodu xirxiran yahay, 0o fadeexadda u yaqaan haddii gabadhu nin. aan lagu da-rin barato»

«Waa runtoode waa edeb darro»

Jaamac baa yiri Axmedna wuxuu jeclaystay inuu ra'yigaas gaashaanka ku dhufto, kumase dhiirrane, hadalkisii horuu iska watay, sidii isagoon oraahdaan dambe maqlin, ama wax ka qabin. Wuxuu yiri:

«.. Marka loo tagayaa waxay nogon kartaa 0o ke-liya mar loogu socdo weydiinta gabadha guurkeeda.

Dadka u tagayaana waa in ay nogdaan ikhyaar waaweyn».

«Waxaad yeelaysaa» Jaamac baa soo gabagabee-yey «Bal gabadha na soo tus, oo guriga keen... Markaas kaddib arrimahooda kale anaa ka sal gaari doo-nee.. Hadday qof wanaagsan noqotana aabbaheed dan baan u heli doonaaye..» Intuu yare aamusay, sidii isa-goo weli hadalka dhammaystirkiisii raadinaya, ayuu intuu si kedis ah u soo eegay ku yiri :

«Kow, maxay ahayd arrinta kaloo aad iigu timid?»

«Maya aabbe, wax saas u sii weynna ma ahee, ar-rin yar oo lacag la'aan igu heshay baa meel iiga xa-yirantay»

«Goor aad lacag la'aan ka bixi doontid ma gara-naayo» ayuu hoos u yiri, isagoo boorsadiisii lacagta soo bixinaaya.

Axmed markuu isagoo faraxsan jaranjarta ka de-gay, baa ugu horreysay dareen uu dareemo dhididka korkiisa gooyey.. Inkastoo uu weli madaxa culays ka dareemayey, haddana wuxuu ku faraxsanaa imtixaankii kululaa ee uu ka soo sabata baxay iyo muraadkii uu meesha u yimid oo uu ku soo guuleystay


LASOCO Q14aad INSHA ALLH

Post a Comment

Previous Post Next Post